haatuf.net
Shirgudoonka Guurtida Iyo Wakiilada Oo Madaxweynaha Ku Celiyey Warqad Uu Ku Codsanayey In Labada Aqal Baarlamaan Fadhi Wadajir Ah Isugu Yimaadaan
February 6, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 6,2017(Haatuf)-Shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa maanta madaxweyne Siiraanyo dib ugu celiyey qoraal uu labada aqal baarlamaan kags codsanayey inay fadhi wada jir ah isugu yimaadaan 12-ka bishan.Labada Shirgudoon ayaa waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu sababeeyo isla markaana uu Baarlamanka usoo gudbiyo agenda-ha uu yeelan doono fadhiga wada jirka ah ee uu soo codsaday.

Waxa jira dhawr xaaladood oo uu distoorka dalku xaq u siinayo madaxweynaha Somaliland inuu codsado fadhi wada jir ah oo labada aqal baarlamaan isugu yimaadaan sida marka la ansixinayo guddoomiyaha maxkamadda sare iyo marka uu jeedinayo khudbadsanadeedkiisa.Hasa yeeshee codsiga uu madaxweynuhu ku dalbaday fahiga wada jirka ah ee labada gole ayaa sida la sheegay aanu soo waafajin asbaabaha uu distoorku u ogolyahay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS