haatuf.net
Aragtidayda ku aaddan odhaahda caan baxday ee “Qalin Jabisaye Maxaad Qaban”BY Mustafe Abdirahman Ismail
September 29, 2016 - Written by Admin Two

(Tacab-ka waalidka iyo talo la’aanta qaranka)

 

Waxaa muddo ku siman bil laga joogaa xiliyadii ay ardaydu sanadkan ka qalin jabiyeen jaamacadaha, decease xafladdo kala ku du-duwan , apoplectic | hambalyooyin iyo hadiyado intaba indhahaygu waa ay ku dhacayeen, waxa kale oo sanadkan iisii dheeraa indhahayga oo qabanayay gawaadhi loo soo sharaxay sidii aroosyada balse lagu sido amaba ay wataan ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha qofkasta oo qalin-jabinaya waxay u ahayd maalin uga xardhan maalmaha kale..,,Alaylehe waabay tahaye….

 

Qudbadaha xafladaas laga jeedinayay oo u badnaa dhiiri gelin iyo in ay ardayda jaamacadaha dhamaysatay ay yihiin kuwa nasiib leh, iyo in ay halganka waxbarashada aanay halkaas kaga hadhin ee ay sii wadaan.

 

Ardaydeena jaamacadaha ka baxay waxa ay usoo dhabar adaygeen heerar nololeed oo kala duwan iyagoo markasta ilaalinayay himilada guud ee ah ardaygu marka uu jaamacadda soo dhamaysto in uu shaqo heli doono oo uu noqon doono mid manaafacaad u yeesha naftiisa, qoyskiisa iyo bulshadiisaba.

 

Waxa kale oo iga xasuusin ah, ardayda dhamaysatay jaamacaddaha ma aha keliya inaan ku qiimayno inay soo dhamaysteen afar sano ee heerka jaamacadeed lagu jiro oo keli ah, laakinse waa in aynu maskaxda ku hayno in ay waxbarashadani la soo bilaabantay ilaa maalinti arday kastaa gaadhay da’da (5) amaba ka yar ilaa heer jaamacadeed.

 

heerarkaas kala duwan ee ay lasoo martay waxbarashadu waxa ku lammaanaa dhibaatooyinka nolosha oo dhan bal aan soo qaato hal tusaale: ardayda dhigata jaamacaddaha waxa ka mid ah arday badan oo aan waalidkood awoodin in uu

 

xataa ka bixiyo (tuition fee) lacagta ardaydu bixiso ee hadana sannadahaas faraha badan meel uun ka maaraynaya ileen waa WAALID’E oo fadhi uma soo gelin’e.mustafaabdirahmanismaciil

taasina waxay ku tusaysaa wanaaga iyo dulqaadka waalidkeenu markasta inoo hayo. Markanna waa markaan is idhaahdo ALLA WAALIDKEEN WANAAGSANAA OO DULQAAD BADANAA, waa marka ardaygii sannadkii hore ee uga baxay jaamacadda uu bilaa camal yahay kii sannadkan qalin jabiyayna bilaa camal yahay ku kale oo aanay awoodin kharashka uu jaamacadda ku dhiganayo u hawl gala ee haddana Geed dheer iyo Geed gaaban ba u fuula in ka saddexaadna qalin jabiyo, sababtoo ah waalidku waxa uu ku taamaa waa ilmihiisa oo aqoon leh oo shaqaysanaya inuu mar uun arko, hadii taasi dhici wayday se aan marna ka rajo dhigayn sidii ubadkaasi nolosha kaalin uun uga geli lahaayeen.

 

Haddaba ardaydaas iyo waalidkaasi ma waxay abaal u heleen in la yidhaahdo waxbarashada haka hadhina mise in shaqo abuur loo sameeyo??? Waa su’aal jawaab u baahan.

 

Iyadoo dhibaatadu intaa leeg tahay ayaan hadana dhammaan bulshadeena aanay usoo jeedin sidii inta caqliga iyo cududaha la middeeyo looga hor tagi lahaa SHAQO LA’AANTA inna curyaamisay oo aynu ku mashquul sanahay shir beeleed, iyo doorashooyin, halka ay kuwii wax dooran laha amaba la dooran lahaa suuqyadda bilaa camal ku yihiin ee cid u damqanaysaa aanay jirin.

 

Hadii ardaydaas jaamacadaha dhamaystay shaqo abuur loo samayn waayo oo jiil-ba-jiil qalin jabiyay soo gaadho waxaa iman doonta maalin ay quwad noqdaan oo xal u helidoodu aad u fogaato.

 

Waxa aan kusoo gunaanadayaa aragtidaydan yar in wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda qorsheynta qaranku iska kaashadaan in ardayda la baro xirfadaha waddanku u baahan yahay iyo in loo sii qorsheeyo halkii ay aqoontaas ugaga faa’iidayn lahaayeen waddankooda.

 

Mustafa A. Ismail

Mustafe_49@hotmail.com

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS