haatuf.net
Dagaal Culus Oo Lagu Hoobtay Oo Ka Socda Mukha Iyo Badda U Dhaxaysa Yeman Iyo Somaliland Oo Saameyn Caalami Ah Yeeshay
February 2, 2017 - Written by Admin Two

Mukha,February 22,2017(Haatuf)-Dagaal culus oo khasaare balaadhan keenay oo marinka Baabul Mandab ee badda Cas muddo 4 todobaad ah ku dhexmaraya ciidamada dawladda sharciga ah ee Yeman oo ay taageerayaan ciidamada isbahaysiga dalalka Khaliijka iyo maleeshiyada Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dawladda Iiraan ayaa durtaba yeeshay saameyn goboleed iyo mid caalami ahba iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalkaasi xanibaad ku keeno   ganacsigii dunida ee mari jiray badda Cas isla markaana uu mandaqadan iyo caalamkaba ka dhex abuuro colaado cusub oo hor leh.Dagaalkan ayaa waxa uu bilaabmay markii ay ciidamada dawladda oo ay taakulaynayaan kuwa Sucuudiga iyo Imaaraatku ay 7-dii January weerar dhul,cir iyo badba ah ku soo qaadeen magaalooyinka Yeman ee ku yaala xeebta badda Cas sida Dubaab iyo Mukha iyo waliba jidadka muhiimka ah ee isku xidha xeebta taasoo ay Xuutiyiintu kala horyimaadeen iska caabin xoog leh.

Inkastoo ay ciidamada dawladda iyo isbahaysiga Khaliijku ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada Dubaab iyo jiido kale oo xeebta ah hasa yeeshee waxa dagaal culusi ka socda magaalada dekada qadiimiga ah ee Mukha iyadoo ay ciidamada dawladdu gaadheen badhtamaha magaaladdaa balse ay bartaas ka gudbi kari waayeen.Iska caabinta mitidka ah ee Xuutiyiinta ayaa waxay keentay in diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Sucuudigu ay duqeyn ku bilaabeen goobaha ay magaalada Mukha kaga jiraan taasoo ay Xuutiyiintu kaga jawaabeen inay Salaasadii dhaweyd sedex doonyood oo miidaamo ah ku weeraraan mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Sucuudiga. Waxa kale oo ay Xuutiyiintu gantaal nooca ridada dheer ah la beegsadeen magaalada ku taala bariga Sucuudiga ee Dahraan.Dhacdooyinkan cusub ka dib ayaa waxay cirka isku shareertay xiisadii ka taagnayd dagaalka Yeman iyadoo ay dawladda Imaaraatku u yeedhay safiirkii  Iiraan u fadhiyey Abu-Dhabi kaasoo ay gaadhsiisay fariin ku socota dawladiisa oo ay Imaaraatka kaga cabanayaan Iiraaniyiinta inay hub qayrul sharci ah ku taakuleeyeen maleeshiyada Xuutiyiinta.Maamulka madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa isna digniin culus u diray dawladda Iiraan iyadoo uu ku eedeeyey inay taageero u fidiso Xuutiyiinta isla markaana ay hawlo halis galinaya ciidamadda badda ee Maraykanka iyo marinada istraatiijga ah ee ganscsiga caalamiga ahi maro sida Baabul Mandab iyo Hormuz kuwaasoo ku kala yaala biyaha badda Cas iyo kuwa Gacanka Carabta(Khaliijka ).Dawladda Iiraan ayaan iyadu dheg u dhigin digniinta iyo dhaleecaynta kaga imanaysa Mr Trump iyo dawladaha Khaliijka .Siday Haatuf  hore u sheegtay, Xuutiyiinta ayaa waxay dalka Iiraan ka heleen gantaalo nooca ridada dheer ah iyo khubaro Iraaniyiin ah oo aqoon u leh hogaamiintooda.Gaantaaladan  oo ay Xuutiyiintu inta badan ku garaacaan meelo ka mid ah dhulka Sucuudiga ayaa  Maraykanku u arkaan inay khatar ku yihiin maraakiibtooda dagaalka ee ka hawlgala badda Cas .Waxa kale oo isna halis ku jira saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraatku ku leedahay dekadda Casab ee dalka Eritrea halkaas oo ciidamada isbahaysiga Carabtu ay ka dhigteen barta taliska hogaaminta hawlgalada ka socda xeebta badda Cas ee Yeman.

Dawladda Yeman ee sharciga ah waxa hogaamiya madaxweyne Cabdrabe Mansuur Haadi.Dagaalka Yeman ayaa bilaabmay ka dib markii ay maleeshiyada Xuutiyiintu ay madaxweyne Mansoor Haadi ka caydhiyeen caasimadda dalkaasi ee Sanca horaantii sanadkii 2015 iyadoo ay Xuutiyiintu ilaa waaqtigaasi ay gacanta ku hayeen xeebta uu dalka Yemani ku leeyahay badda Cas taasoo dherarkeedu yahay 450 km. Hadaba ujeedada weeraradan cusub ee ay ciidamada dawladda iyo kuwa Sucuudigu ka wadaan badda Cas ayaa waxay aheyd sidii Xuutiyiinta looga saari lahaa degaanada xeebta ah ee ay Iiraan hubka qarsoodiga ah usoo mariso .Waxa kale oo qabsashada xeebtu ay ciidamada dawladda u saamaxayaan inay dhabar jabiyaan ciidamada Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya aaga magaalada muhiimka ah ee Taciz. Waxayse  ciidamada dawladda iyo isbahaysigu ay Xuutiyiintua kala kulmeen muqaawimo xoog leh oo muujinaysa inaan dhayal dhayal looga saari karayn xeebta badda Cas ee dalka Yeman taasoo keentay in dagaalkaasi ku soo fido ilaa biyaha Gacanka CadmeedGulf of Aden) ee u dhaxeeya Cadan iyo Berbera iyadoo ay suurtogal tahay in ololka colaadeed ee ka baxaya Yemani uu gaadho meelo kale oo ka durugsan ama uu sabab u noqdoba inay isku dhacaan labada quwadood ee Maraykanka iyo Iiraan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS