haatuf.net
Xuutiyiinta Oo Gantaalada Ridada Dheer La Beegsaday Dahraan 3 Doonyood Oo Miidaamo Ahna Ku Weeraray Markab Dagaal Oo Sucuudigu Leeyahay
February 1, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 1,2017(Haatuf)-Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaalada ridada dheer shalay ku weeraray magaalada Dahraan ee ku taala bariga dalka Sucuudiga.Lama oga ilaa hadda in wax  khasaare ahi ka dhashay werarkaasi iyo in kale .Waxay aheyd dhawr cisho ka hor markii sadex doonyood oo miidaamo ahi weerar ku qaadeen markab dagaal oo Sucuudigu leeyahay kaasoo marayey meel badda Cas ah oo u dhaw galbeedkana ka xigta dekadda Xudayda.Dawladda Sucuudiga oo qiratay werarkan ayaa sheegtay inay ku dhinteen laba ka mid ah ciidankii markabka saarna halkay 3 kalena ku dhaawacmeen.Xuutiyiinta ayaa  dhinacooda waxay sheegeen in markabka Sucuudigu ku soo xadgudbay biyaha dalkooda ee marinka Baabul Mandab ,sidaas darteedna ay xeebta gantaalo kaga ganeen. .

Dhinaca kale television-ka Maraykanka ee Fox News ayaa sheegay in bartilmaameedka dhabta ah ee doonyaha weerarka ku soo qaaday markabka Sucuudiga uu ahaa markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay kaasoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobtii uu weerarku ka dhacay.

 

markabgubanay

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS