haatuf.net
Wafdigii Somaliland Oo Ku Fashilmay Ujeedadii Ay U Tageen Adisababa Ee Saldhiga
February 10, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 10,2017(Haatuf)-Wafdigii Somaliland ee Adisababa u tagay inay soo hantiyaan taageerada xukuumadda Itoobiya ee saldhiga ay dawladda Imaaaraatku dalbatay in laga siiyo Berbera ayaa ku fashilmay inay xaqiijiyaan ujeedadaasi ka dib markii ay keeni waayeen warqadii heshiiskii ay xukuumadda Somaliland bishii September 2016 Imaaraatka ugu ogolaatay Saldhigaa.Wafdiga Somaliland ayaa markii ay la kulmeen xubnaha Itoobiyaanka kaga jira gudi heer wasiiro ah oo labada dal u qaabilsan iskaashiga ayaa waxay wasiirada Itoobiya ay kuwa Somaliland waydiiyeen warqadii heshiiska saldhiga si ay qodobadiisa ugu sii jilciyaan Raaiisalwasaaraha Itoobiya ka hor intaanu la kulmin wafdiga Somaliland.Hasa yeeshee wiilka mashruuca saldhiga watay ee Baashe Cawil ayaa ka cudur daartay inuu dhokumantigii heshiiska miiska soo dhigo.Markay sidaasi dhacday wasiiradii dhinaca Itoobiyaanka kaga jiray gudidii farsamo ee iskaashiga ayaa waxay yidhaahdeen kol hadaan la haynin warqadii heshiiska aanay suurtoobayn in arinta saldhiga lagala hadli karo Raiisalwasaaraha.Sidaas darteed wafdiga reer Somaliland markii ay doraad la kulmeen Raiisalwasaaraha Itoobiya lamay soo hadal qaadin arintii saldhigga balse waxa laga wada hadlay uun xidhiidhka labada dal iyo arimaha ku soo kordhay mandaqadda.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS