haatuf.net
Warancade Oo Ka Been-Sheegay In Bilaysku Aanay Haysan Qalabka Lagaga Hortago Mudaharaadada
August 11, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, check August 11, help 2015 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Warancade ayaa shalay been qaawan ku difaacay bilayska rasaasta nool ku laaya dadka rayidka ah iyagoo banaanbaxaya, kaas oo ku marmar-sooday in ciidanka Bilayska Somaliland aanay haysanin qalabka lagaga hortago mudaharaadada rabshadaha wata, isla markaana ay beesha caalamku xukuumadda Somaliland ka horjoogsatay inay qalabkaasi soo iibsato.

Xaqiiqadu-se aad bay uga duwantahay sida uu Warancade sheegay oo bilayska Somaliland way haystaan qalabka lagaga hortago mudaharaadada rabshadaha wata, iyadoo sanadkii 2003-dii ay hay’adda UNDP qalabkaas ugu deeqday koox bilays ah oo ay hawlahaasi u tababareen saraakiil ajanabi ahi.

Film uu suxufiga caanka ah ee Simon Reeve oo aad xaga hoose ka daawan kartaan, ayaa waxa ku jira kooxdaasi bilayska ah oo ku gaashaaman qalabka lagaga hortago mudaharaadada rabshadaha wata, kuwaas oo la arkayo iyagoo xarunta ciidanka Birmadka ee Hargeysa lagu tababarayo habka looga hortago marka dadka mudaharaadayaa ay dhagaxaan ku soo shiidaan ciidanka.

Waxa kale oo isla film-kaasi kasoo baxaya Cali Warancade laftiisa iyo libaaxyada uu gurigiisa ku rabaysto ee uu maalinkasta neefka u qalo.

Taliyaha bilayska C/laahi Fadal iyo Cali Warancade ayaa iyagu hore mucaaridka uga digay inay rasaas u adeegsan doonaan cidii ku kacda mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo, waxaanay labadooduba hadana ku celceliyeen in aan bilayska mardanbe laga il-horayn doonin, ka dib markii laba nin oo bilays ah dad shicib ahi ku dileen dhul lagu muransanaa oo ku yaala meel buurta kala-jeexan ku dhaw, taas oo ay si khaldan ciidan ugu direen mudo haatan laba bilood laga joogo.

Cali Warancade iyo wasiir ku xigeenkiisa Cabdi Camuud ayaa halkii ay baadhitaan ku samayn lahaayeen jariimadda dadka rayidka ah ee iyagoon hubaysnayn ay RRU-du Aaxadii doraad dilka iyo dhaawaca xaafadda Jigjiga yar ugu gaysteen, ayaa waxay si indho la’aan ah u difaaceen bilayskii falkaas waxashi-nimada leh ku kacay, maadaama oo ay labadaas masuul iyo Taliyaha Bilayska Mr Fadal ahaayeen kuwii amarka bixiyey in rasaas dadka lagu bilaabo oo qoyskii Mujaahid Axmed Jabaan xoog lagaga muquuniyo jagadii ay lahaayeen ee ay guriga ka dhisanayeen.

Sidoo kale C/laahi Fadal oo taliska bilayska muddo-dheer ka ahaa sarkaalka Hawlgalinta u qaabilsan, saddexdii sano ee u danbeeyeyna ahaa Taliyaha guud ee bilayska ayaa in la adeegsado qalabka lagu kala kaxeeyo mudaharaadayaasha, waxa uu kaga kalsoon-yahay rasaasta oo dadka lala dhaco maadaama aanu sharcigu qabanaynin oo madaxdiisu-na sidaas raali kaga yihiin.

C/laahi Fadal oo aan lahayn aqoon bilays iyo mid waxbarasho oo dhaaf-siisan dugsi dhexe ayaa marka uu saraakiisha iyo askarta bilayska la hadlayo ku yidhaahda “tacliintu nolosha ayuun bay macaanaysaa ee waxba ma tarto”.

Dhinaca kale mudadii uu Siilaanyo xukunka dalka hayey waxa wadanka ka dhacay dhibaatooyin iyo xad-gudubyo badan oo xukuumadiisu dadka u gaysatay oo marka laga daba-tago ee la baadho ay natiijadu ku soo  aroorayso talooyin khaldan oo ay bixiyeen wasiiradda ama madaxda xisbiga Kulmiye.

Waxa dhaqan noqotay iyadoo loo baratamayo Marwada 1-aad raali-galinteeda in lagu raaco ama loo soo jeediyo talooyin khaldan oo la yidhaahdo “sidaas ha la yeelo ,waxba dhici-maayaan oo anagaa kaa og”, waxaana talooyinkaasi ka mid ahaa dagaalkii lagu bilaabay iyo tacadiyadii loo gaystay saxaafadda siiba xadhigii Wargeyska Haatuf; mudaharaadadii salmiga ahaa ee taageerayaashii Xaqsoor ee la xasuuqay iyo falal kale oo la mid ah oo RRU-du dad rayid ah oon hubaysnayn ku laayeen meelo kala duwan oo dalka ah; muddo-kordhintii 22-ka bilood ahayd; weerarkii saqda-dhexe lagu qaaday guriga wasiir ku xigeenkii hore ee amniga C/laahi Abokor Cismaan; iyadoo ay xataa jiraan masuuliyiin ka tirsanaa xukuumadda oo hawl-karnimo lagu yaqaanay oo iyagoon wax danbi ah galin si khaldan xilalkoodii looga qaaday ka dib markii lagu camal-falay taladii ahayd “anagaa kaa og oo waxba dhici-maayaan”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS