haatuf.net
Saaxiibadaydii Shalay- W/Q: Cabdirisaaq Xasan Rakuub
December 17, 2015 - Written by Admin Two

Shantii galabnimo ayey sheegaysay goor-sheegtu markaan cagta dhigay hudheelka ‘SUN’ ee galbeedka Hargaysa. Ballan ayaan ku lahaa uu igu la ballamay saaxiib aanan muddo is arag, herbal maalmahaa un ka yimid dalka Baakistaan oo u waxbarasho ugu maqnaa.rakuub

Saaxiibkaygaa waxa aanu isku ahayn arday ku waa xidhnaan jiray muddo ka hor duruustii Sheekh Maxamed Cumar Dirir Alle SWT ha xifdiyee ka dhigo masaajid Rusheeye, anabolics waxa aanu is baranay xilliyadii aan ku soo xidhmay masaajidka, qiyaastii wu igaga horreeyey isagu.

Cabbaar haddaanu wada fadhinnay oo aanu is xaal waraysanay waxa nala soo fadhistay nin kale oo ahaa isla ardaydayadii xilligaa, sida uu ii sheegay isna ninkan baa ballamiyey, saaxiibkaa labaad sidu ii sheegay wuxu muddo joogay magaalada Hargaysa, se dalka Liibiya ayuu waxbarasho ku soo qaatay.rakuub

Ilaahay ballankii saddexdayadaasi haddii aanu in kale sii fadhinnay waxa isna nala soo fadhistay nin isna ardaydaydii xilligaa ka mid ah, ninkaa cidi may ballamin ee hudheelka ayuu balan kale ku lahaa sidu noo sheegay. Saaxiibkan saddexaadna dalka Sucuudiga ayuu waxbarasho diini ah ku soo qaatay.

Nala fadhisay; kaftan, sheeko guud iyo intii la kala maqnaa nin ba waayihii ka warran. Siday sheeko u socotay ayaa la galay arrin diini ah gorfaynteed, muddo kolkii la rogrogayey aya nin ba intii u soo sharaabay nagu sii daaya intayadii kale.

Aniga waxa ay ila muuqatay saaxiibaday inay ka soo biyo cabbeen dalalkii ay ka yimadeen madahibtoodi fiqiga ahayd, taa oo keentay in nin ba ta xaqa ah ama saxda ah uu ka dhigo tan uu isagu qabo.

Dalka Baakistaan mad-habtiisu waa Xanafi. Dalka Sucuudigana Waa Xanbali, xagga Liibiya ay ka tahay Maaliki. Waxa yadna xusid mudan in mujtamaca Soomaaliyeed mad-hab ahaan haystaan mad-habta Shaaficiga. Inanka saddexdaa midkood loo soo laqima ee waliba looga soo dhigo in ay ta sugan ee saxda ah tahay kolku inoo soo noqdo maxaynu u sheegi?.

Kolkii aan arkay dooddu xagga ay u biyo dhacaysa in ay tahay khilaaf mad-habi ah ayaan ka gaabsaday in aan la wadaago dood. Markii ay isku xiiqeen baa aan hadal yar ku dhex tuuray; “Ma garanaysaan xagga aydun iska fahmi la’dihiin.”

Saaxiibkaygii Sucuudiga ayaa la soo booday, “Nimankan soo rogmay ee culimadii lagu diray ayaad ka aamusan tahee maxaan fahmaa?.”

Labadii nin ee kalaa kolku intaa yidhi qoslay, anigii su’aasha waydiyaa hadalkii ku noqdo ku soo afmeeeray, “Xaq iyo xaq la’aan iskuma haysaan ee nin ba dalku tagay mad-habtiisi ayuu soo xambaartay dalkan aad joogtaanna saddexdaa mad-habood midna laga ma haystee maxa xal ah?.”

(Saaxiibaday waxa aan u sheegay in aan sheekadaa na dhexmartay aan qoraal ka samayn doono se aanan magacyadooda xusi doonin.)

Dhammaad

Tallo iyo tusaale ba waa xaggina.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS