haatuf.net
Madaxa Amaanka Imaaraatka Dhahi Khalfaan Oo Soomaalida,Ciraaqiyiinta Iyo Iiraanta Ku Tilmaamay Dad Caajis Ah Oo Istaahila In Laga Mamnuuco Maraykanka
February 1, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 1,2017(Haatuf)-Madaxa Ammaanka dawladda Imaaraatka ayaa barta uu ku leeyhay twitter-ka soo dhigay qoraal af-Ingiriisi ah oo uu ku tilmaamayo Soomaalida,Ciraaqiyiinta iyo Iiraanta dad caajis ah(lazy) oo istaahila in laga mamnuuco dalka Maraykanka.

Mr Khalfaan waxa uu qoraalkiisaa ku taageeray go’aankii madaxweyne Maraykanka Donald Trump uu wadankiisa si ku meel gaadh ah uga mamnuucay inay soo galaan dadka u dhashay todobo dal oo Muslim ah kuwaasoo kala ah Somalia,Yeman,Suudaan,Ciraaq,Suuriya,liibiya iyo Iiraan. Masuulka Imaaraatiga ahi waxa uu sheegay in Mr Trump ku hagaagsanaa go’aankiisa iyadoo uu dadka ka yimaadda dalalkaasi ku tilmaamay qaar khatar ku ah nabadgelyada Maraykanka.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS