haatuf.net
Cumar C/Rashiid Oo Noqday Qofkii Saxeexay Dokumentiga Qarsoon Ee Ay Xukuummadda Somalia Imaaraatka Ugu Ogolaatay Saldhiga Berbera
February 1, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 1,2017(Haatuf)-Raaiisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdulrashiid ayaa noqday qofka dhab ahaan dawladda Imaaraatka u saxeexay dokumenti qarsoodi ah oo ay xukuumadda Somalia ugu ogolaanayso inay saldhig ciidan ka samaysato magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda madaxweyne Siiraanyo ayaa bishii September 2016 dawladda Imaaraatka la gashay heshiis ay ugu ogolaanayso inay saldhig ku yeelato xeebta Somaliland.Inkastoo aanay xukuumadda Somaliland ka hadal hadaana waxa xiligaa soo shaacbaxay warar sheegayey inuu jiro heshiis kale oo qarsoodi ah oo ay xukuumadda Somalia ay Imaaraatka ugu ogolaanayso saldhigaa oo uu walba saxeexay  madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud. Hadaba xogo cusub oo ku saabsan mawduuca saldhiga oo ay Haatuf  heshay ayaa xaqiijinaya in warqadda ogolaanshahaasi ay ka soo baxday xafiiska raiisal wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo isaga laftiisu saxeexay.

Dawladda Imaaraatka ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey olole xoogan ugu jirtay sidii uu Cumar Cabdirashiid ugu guulaysan lahaa doorashada madaxweynaha Somalia ee la filayo inay qabsoonto bishan February gudaheeda.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS