haatuf.net
Xildhibaanada Wakiilada Iyo Guurtida Oo Caawa Isku Shubaya Madaxtooyada
February 5, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 5,2017(Haatuf)- Ugu yaraan boqol ka tirsan xildhiibaanada  labada aqal Baarlamaan ayaa la filayaa inay caawa isku shubaan madaxtooyada ka dib markii la soo gaadhsiiyey fariin ah in madaxweynuhu doonayo inuu la kulmo.Hasa yeeshee waxa la filaya in madaxweynuhu uu xildhibaanada  ka codsan doono inay taageeraan mooshinka ay xukuumaddiisu dhawr maalmood dabadeed soo dhigi doonto ee ay Baarlamanka kaga dalbanayso inuu ogolaado saldhig milatari oo dawladda Imaaraatka laga siiyo xeebta Berbera.

Labada Shirgudoon ee Guurtida iyo Wakiilada oo sida la sheegay ka soo horjeeda madhruuca saldhiga miltari ee Imaaraadku codsaday ayaanay madaxtooyadu waxba kala socodsiinin kulankan caawa ka dhacaya madaxtooyada.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS