haatuf.net
Baashe Cawil Oo madaxweyne Siiraanyo U Kaxaynaya Adisababa Si Ay Itoobiyaanka Uga Wada Hadlaan Ainta Saldhigga Ay Imaaraatku Doonayaan Inay Ku Yeeshaan Somaliland
February 3, 2017 - Written by Admin Two

Hargeysa,February 3,2017(Haatuf)- Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraatka Baashe Cawil ayaa madaxweynaha dalka Somaliland ee soddoga u ah Axmex Siilaanyo ku jujuubay inuu Axadda sahandambe  u safaro caasimadda Itoobiya ee Adisababa si uu Baashe madaxda dalkaasi uga dhaadhiciyo in wax mudaro ah oo ugu jirta saldhiga ay Imaaraatku dalbadeen in Somaliland laga siiyo aabay jirin  isla markaana ay reer Somaliland shicib iyo dawladba taageersanyihiin in dalka Imaaraatka Carabta saldhig ciidan ka sameysto xeebta Berbera ,sidaas darteedna dhinaca Itoobiya looga baahanyahay inay arintaasi soo dhaweeyaan . Baashe Cawil oo ah qofka kaliya ee wata mashruuca saldhiga ayaa isku haleynta uu ku qabo odaygan soddoga u ah darteed iska indho tira mucaaradada shacbiga ah een reer Somaliland u kala hadhin ee ay ku diidanyihiin in dawlado kale ay dalkooda ku yeeshaan saldhigyo ciidan oo wax u dhimi kara madaxbanaanidooda qiimaha weyn ku joogta ee ay dhiiga ku soo dhacsadeen taasoo ay Itoobiyaanka ku adkaan doonto inay tixgalin waayaan.

Wali lama shaacin cidda madaxweynaha ka sii raaci doonta Hargeysa hasa yeeshee gogol-xaadhka boqashadan  ayaa waxa Addis-Ababa ugu maqan wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire iyadoo la filayo inuu Baashe Cawil ka soo duulo dalka Imaaraatka si uu uga qaybgalo kulanka dhex mari doona wafdiga Somaliland iyo Raiisal wasaaraha Itoobiya.

Xukuumadda Siiraanyo ayaa ilaa hadda sheegi kari la’ waxa ay Somaliland dhaafsanayso saldhiga ay Imaaraatka heshiiska kula gashay bishii September 2016.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS