haatuf.net
Jamaal Cali Xuseen Oo Madaxweyne Siilaanyo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Walaalkii Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud
November 25, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, medstore November 25, viagra 2014 (Haatuf) – Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga UCID wuxuu tacsi u dirayaa Eheladii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxariiste Jaamac Maxamed Maxamuud oo habeen hore oo ay taariikhdu ahayd 24/11/2014 ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsidan si gaar ah ugu direy Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga oo ka tacsiyadeynaya  geerida ku timi walaalkii Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ILAAHAY uga baryayaa marxuumka inuu u naxariistii janno ka waraabiyo, Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo  iiman ka siiyo.

Aamin Aamin AaminJamaal

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS