haatuf.net
Siilaanyo Wuxuu Baabiiyey Sumcaddii Somaliland U Baxday Iyo Fursadii Dalka Lagu Aqoonsan Lahaa: Haatuf Staff Writer
November 27, 2014 - Written by Admin Two

Mid ka mid ah suxufiyiiinta caanka ah dunidda ayaa wuxuu dhawaan sheegay in siyaasadda ka dhanka ah dimuqraadiyadda ee uu caadaystay Madaxwayne Siilaanyo ay waxyeelo wayn u gaysatay sumcaddii Somaliland u baxday wakhtiyadii uu xukunka hayey Daahir Rayaale Kaahin, link iyadoo ay xiliyadaasi ay Somaliland caalamka magac kaga heshay hanaanka dimuqraadiga ah ee ay dabbaqdo gaar ahaan doorashooyinka sida xorta ah ee xalaasha ah ugu qabsoomay, salve ku dhaqanka xoriyadda saxaafadda iyo xil-kala wareejinta sida salmiga ah u dhacday doorashooyinka dabadeed.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa ka dib markii uu taladda dalka gacanta ku dhigay badhtamihii 2010-kii waxa uu markiiba muujiyey inaanu dulqaad u lehayn in saxaafadu dhaliilo usoo jeediso, inkasta oo aanay run ahaantii saxaafadu ku degdegin inay si qoto-dheer wax uga sheegto xukuumadiisa oo la odhankaro waabay la saa’irtay 2-dii sanadood ee horeeyey ee uu xukunka hayey, haddana madaxwayne Siilaanyo isla-mudadaas dhawrkii jeer ee ay qaar ka mid ah warbaahintu ay soo bandhigeenba wuxuu xidhxidhay suxufiyiintii wax ka qoray, waxaanu lasoo baxay siyaasad cusub oo uu wariyeyaasha uu xidhxidhay daayoo uu hay’adda warbaahineed ee dhaliisha uu albaabada u laabayo sidii ku dhacday HCTV waxyar ka dib markii madaxtinimada dalka loo dhaariyey.

Inkastoo HCTV xidhnaa mudo gaaban hadana waxa soo shaacbaxay wajiga dhabta ah ee Siilaanyo inuu yahay qof aan ka habranayn inuu qaado talaabo kasta oo uu ku aamusiin karo warbaahinta madaxabanaan ee dalka isla markaana aanu dan iyo muraad toona ka lahayn sumcad-xumada caalamiga ah ee ay arrintaasi u soo jiidi karto dalka iyo waliba dhaawac ay dhaqamada caynkaas ahi gaadhsiin karaan qadiyada aqoonsi ay Somaliland hesho.

Waxa kale oo maalinba maalinta ka danbaysa isa soo tarayey tacadiyada uu madaxwayne Siilaanyo ku samaynayo xoriyaadka distooriga ah, isla markaana xadgudubyada ka dhanka ah xoriyaadku kumay koobnayn saxaafadda ee waxa kale oo ay saameeyeen siyaasiyiin mucaarid ah, aqoonyahano, fanaaniin, iyo suugaanyahanno.

Inkastoo bulshadda Somaliland iyo caalamkuba ay arrimahaas ka qayliyeen hadana Mr Siilaanyo dheg uma dhigin ee wuxuu iska watay af-caashiisan uu ku xasuuqayo xoriyaadkii ay dadku dhibta badan usoo mareen xaqiijintooda, waxaanu sidaasi ku galaaftay rajadii soo dhawaatay intaanu xilka qaban ee ahayd in dalku ictiraaf ka helo beesha caalamka.

Mr Siilaanyo Intaanu xilka qabanin iyo haatanba dawladihii ku dhawdhawaa Somaliland ayaa  markay ka quusteen waxay ku dadaalayaan sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd ee nidaamka Siilaanyo mid dhaama ay dadku u dooran lahaayeen, taasoo ay u arkeen sida kaliya ee ay shacbiga Somaliland wax ula qaban karaan. Iyadoo sida muuqata dadka reer Somaliland ay waqti-dheer ka qaadan doonto sidii ay uga soo kaban lahaayeen waxyeeladda uu Siilaanyo soo gaadhsiiyey qadiyadoodii aqoonsi raadiska.Madaxwayne Siilaanyo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS