haatuf.net
“Wallaahi Ninka Dulmi Dugsaday Ee Caddaalad Daro Dugsaday Ee Musuqmaasuq Dugsaday Ee Qabyaalad Dugsaday Ee Ka Tagi Waayay, Isagaa Wax Is-Yeelay”Wasiirkii Hore Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog
November 27, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, order November 27, abortion 2014 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa maanta isaguna ka mid ahaa siyaasiyiintii ku biiray xisbiga Waddani ayaa Xukuumadda Siilaanyo ee uu ka tirsanaan jiray ku eedeeyay musuqmaasuq baaxadleh, drugs caddaalad daro iyo qabyaalad-ba.

Dr Xuseen Xoog, oo khudbad ka jeediyay Munaasibada xubnahani kula midoobayeen Xisbiga Waddani  oo ka qabsoontay Huteelka Crown ee magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay in sababta ay ugu biireen Waddani ay tahay sidii isbedel caafimaad qaba oo dawladdeed loo heli lahaa islamarkaana Dalka loo badbaadin lahaa waa sida uu yidhiye.

Ugu horeyn isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay u socdaan isaga siyaasiyiintan waxa uu yidhi “Walaalayaal waxaanu u soconaa Isbedel, Xamaasadi qiimo ma leh, Hebel baan wataa qiimo ma leh,      Hebel baa reerkayaga ah qiimo ma leh, wuxuu qiimuhu ku jiraa Dawlad  nimada, Caddaaladda, Horumarka, shaqo abuurka, isla xisaabtanka,  taas ayaa ina wada deeqaysa.  waxaynu doonaynaa dawlad noocaas ah inaynu dhisno”

Dhanka kalena waxa uu Xuseen Xoog u jawaabay Xubno ku dhaliilay ku biiritaankiisa Xisbiga Waddani “Walaalayaal, waxaan xalay TV-ga qaranka ku arkaayay, Nin aanu Saaxiib dhawna aanu nahay, Ehel dhawna aanu nahay,Ninkaasi wuxuu yidhi Waxaad iga qortaan Ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray ee meel kale u guuray isaguun baa wax is yeelay ee cid kalena wax tari maayo.

Waxaan leeyahay Saaxiib, Walllaahi Ninka Dulmi dugsaday ee Caddaalad daro dugsaday ee Musuqmaasuq dugsaday ee Qabyaalad Dugsaday ee ka tagi waayay, isagaa wax is-yeelay If iyo Aakhiraba.Waanu gedgedoomaynaa, waanu war-wareegaynaa, hadduu Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani na qancin waayo waanu ka wareegaynaa, danta qarankaanu u wareegaynaa oo Isbedelka dhabta ah ayaanu u wareegaynaa.Xisbiyadu ma Diin baa, ma Caqiidaa, haddii ay samayn waayeen wixii dadku ka rabay”

Mr Xuseen Xoog, waxa kale oo uu Xisbiga Waddani kula taliyay in bulshada farriin midaysan oo run ah loo diro “Haddii aynu Waddani nahay maanta, Habka aynu u Ololaynayno iyo sida aynu dadka u wejehayno iyo Fariinta Bulshada aynu u diraynaa waa inay Farriin mid ah noqoto.Waa inay farriin run ah noqotaa, yaynaan Been ku ololayn.waxaynu sheegaynaa Runta ha ku salaysnaado, anigoo boqol Ceebood oo run ah oo Dawladdu leedahay helaya maxaa  mid iyo laba aanay lahayn ii gaynaya”.Xuseen Xoog

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS