haatuf.net
Halkan Ka Akhriso Nuxurka Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa OO Guddoomiyaha Waddani Ka Jeediyey Munaasibadii Maanta Ee Crown
November 27, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, unhealthy November 27, unhealthy 2014 (Haatuf) – Halkan hoose ka akhriso nuxurka khudbadii uu maanta guddoomiyaha xisbiga mucaarikd ah ee Waddani C/raxmaan Cirro ka jeediyey munaasibadii Isbedel-doonka Kulmiye ee ku soo biiray Waddani, taas oo ka qabsoontay Hotelka Crown ee Magaaladda Hargeysa, taas oo dhamaystiranin waxay u dhignayd sidan:-

“Bismilaahi Raxmaani Raxiim wa salalaahu calaa sayidiina Muxumed wa calaa aalihi wa saxbihi wa salam.

Asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa baraakatuhu

  1. Soo dhaweyn

waxaan si farxad leh, diirran oo qalbi furan ugu soo dhaweyntaa madaxda ku soo kordhisay miisaankooda, cududooda, caqligooda , fekerkooda iyo waayo aragnimadooda Xisbiga WADDANI. Waxay hubaal ah inay SAHAN u yihiin shacbiga reer Somaliland tilmaan u tahay meesha shacbigu geediga ay KULMIYE kaga guurayaan reerka u rarayaan.

  1. Xisibiga WADDANI

Waa Xisibi Qaran .Waa xisbi mucaarid ah.  Waa xisbiga rajada Somaliland. Waa Xisbiga Dhallinyarada . Waa Xisbiga Haweenka. Propogaanadha xumaadda iyo TV qaranka wax u kordhiso mooyaan waxba yeeli mayso koritaanka Xisbiga. Madaxda xukuumadda iyo Madaxda KULMIYE waa u banaan tahay ku soo  biirista Xisbiga WADDANI. Maanta waxa Xisbiga ku soo biiray wasiiradii xilalka hayn jiray iyo madaxda kale oo qarankana xilal kala duwaan ka soo qabtay sida Agaasiyaal Guud, badhasaabo, maareeyayaal iyo xilal kale.

Waxaan rajeynaynaa in kuwa xilalka hayaana dhawaan inagu soo biiraan.  Maanta ummadda rajo kale uma muuqato.

Xisbigu waa Xisbi nabadeed. Anna waxaan ahay Hogaamiye nabadeed. Hogaamiye doonaya shacbi iyo dal mideysan . Hogaamiye doonaya in dalkiisa iyo dadkiisa u noqdo adeege daacad ah. Adeege la nool bulshadiisa  ku shaqeeya kana turjuma dareenkooda . Adeege dhege nugul oo sacaad kasta la heli karo .

  1. Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga (political manifesto)

Gacanta ayaa lagu hayaa, aad baa looga baaran degeyaa, shacbigana waa loo bandhigi doonaa, muwaadin kastaana fekerkiisa waa ka soo dhiiban karaa, barnaamij ummadda raali geliya ayaan soo bandhigi doonaa.

  1. Amniga Qaranka

Xukuumadda ayaa ka masuul ah amniga qaranka.  Ciidamadu waaa adeegayaal shacbiga u shaqeeya. Hubka waxay u sitaan sugida amaanka. Waxaa inaan ciidamadu u adeegsan si qaldan oo ayna u adeegsan shacbi aan hubeysnayn. Waa inay shaqooda u fuliyaan si sharciga waafaqsan. Muwaadinka la xidhayo waa in loo maro qaabka sharcigu baneeyey oo keliya.

Waxaa warwar leh haddii Xildhibaanada oo dastuurka siiyey xasaanad sifo sharci daro ah ciidanka amaanku u xidho karo, arrintaas oo ah  dastuur jabin cad ,  muwaadiniinta  aan xasaanadda lahayn  maxay mudan karaan? Eesh qiyaasak!!

WADDANI  waa gurmadkii sugitaanka caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga; waa  badbaadiyaha Qaranka;  ciidamadana waxa uu ku hogaaminayaa wadada sharciga iyo mooraal wanaagsan. Ciidanka waa in lagu tababaraa xaqqa muwaadinka iyo ku dhaqanka sharciga.

Shacbiga reer Somaliland gaar ahaan taagerayaasha WADDANI waxaan ugu baaqeynaa inaan wada ilaalino xilna inaga saaran yahay amniga qaranka.

  1. Wada shaqaynta  iyo kala madax baaninada Waaxaha Qaranka

Golayaashu xilbay u hayaan ummadda, maalintii dagaal gudahooda kaga luntaa ummadda oo dhan bay ka luntay waxaana ku dayacmaya shaqadii qaranka.

Waddani wuxuu balan qaadayaa markuu hogganka dalka qabto in aanu u koriyo habka dimuqraadiga ee ah in Waaxaha qaranku  wada shaqeeyaan  kalana madax banaanaadaan sida dastuurku tilmaamayo.

  1.  Golaha Wakiilada JSL

GolahaWakiiladu JSL markii horeba dhib ma dhex ool, dhibku wuxuu ahaa mid tahriib noogu yimi. Goluhu wuxuu yeeshay fadhi xidhan wuuna  is calool xaadhay, waxaanuu go’aansaday inuu midnimo ku shaqeeyo shacigana u adeego. Wuxuu go,aansaday in xeerarka qabayada ah si isbdabajoog ah u gudagalaan oo ay u muhiimsan yihiin kuwa doorashooyinka foodda inagu soo haya.

 

  1. Doorashooyinka

Go,aanka Xisbiga WADDANI waa  in doorashada Madaxweynaha iyo tan GolahaWakiilada ay wakhtigeedii ku dhacdo 26 Juun 2015.

Waxa furuhu yahay in aynu Diiwaangelin Codbixiye oo xalaal ah, dhaxalgalna ummadda u noqota aynu samayno. Wakhtiga inta inaga luntayna inaynaan waxaba ku sii darin. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in aynu si degdeg loo sameeyo Election Roadmap ( Jaantus doorasho) oo  aynu ku wada hawlgalno.

Waxa laga sugayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee  cusub in ay xilkaa si hufan u hogggaamiyaan o ay isku wadaan daneeyeyaasha guddaha iyo dibeddaba.

Komishankii cusbaa waxa la ansixin doonaa sabtida haddii eebbe idmo.

 

  1. Kaalinta Haweenka ee bulshada iyo xukunkaba

 

XisbigaWADDANI wuxuu aqoonsan yahay doorka haweenku ku leeyihiin dhismaha qaranka cusub iyo tacadiyada is biirsaday ee ay la  kulmaan.

Wuxuu WADDANIi u balanqaaday Haweenka in xilalka dalka iyo Xisbiga laga siiyo tixgelinta ay mudan yihiin.  Siyaasadda Xisbiga  WADDANI waxa ka mid ah

  1.  hirgelinta  quota ( koote)  xaq iyo caddaalad ku dhisan in uu gooyo, sida caalamka inta badani ay maanta samayso si ay u suurtogasho inay talada dalka ka  qayb qaataan haweenku
  2. Wuxuu la dagaalamayaa dulmiga bulsheed qofqof iyo wadarba ku dhaca oo ay

ka midyihiin caadooyinka aan diin iyo isnaaninimo midna ku hagaagsanayn.

  1. Wuxuu si gaar u dhiirigelinayaa waxbarashada hablaha

 

  1. Kaalinta Dhalinyarada

Waxay Dhaliyaradu ku leeyihiin talada iyo dhismaha Xisbiga Kaalin mug leh oo maalinwalba sii koraysa. Waa xisbigii dhalinyaradu ay aayahooda ku aamineen. Siyaasadda Xisbiga waxa ka mid ah

  1. ka shaqaynayaa sidii dhallinyarada xaqooda doorasho ee da’da kaga xayiran looga dulqaadi
  2.  kobcinta a waxabarashada gaar ahaa iskuulada farsamada gacanta si loo helo  xirfado dhallinyaradu  shaqaysan karaan
  3. Wuxuu u samaynayaa caddaalad tartan ku salaysan oo aan shaqo cidina garab uga baahan oo awoodda xirfadeed ay hayso.
  4. Wuxuu qorshe u samaynayaa kuwa ku dayacan tahriibtaku  eedaadsan min dalalka  deriska ah ilaa saxaaraha iyo xeebaha afrikada woqooyi.

e.Wuxuu ka war hayn doonaa waalidiinta aafadaasu ku habsato.

 

  1. Dhaqaalaha

Dadka reer Somaliland waa ummad shaqaysata oo muujisay in ay iskeed wax u qabsan karto iyadoo ictiraafla’aantu ay iska tahay cunaqabatayn ( embargo) caalamiya.

SiyaasaddaWADDANI waa dhiirgelinta maalgashiga muwaadiniinta iyo shihseeyahaba ( foreign investment)  iyi fududeynta shuruucda maalgashiga sahlaysa iyo  in  wixii caqabada ah laga qaado.

  1. Xidhiidhka Caalamiga

Xisbiga WADDANI caalamka ina daneeya aaad bay isgu xidhan yihiin oo derisku ugu horeeyo.

Kuwaas waxa WADDANI   kala shaqaynayaa sidii ay Somaliland u xejisan lahayd magacii iyo qaadarintii ay ku heshay in ay doorashooyinka dimuqraadi ah oo nabad ah  qabatay.

Maantana waxa magaca, maamuuska iyo badbaadada somaliland ku jirtaa kuna sii jiri kartaa in aan diiwaan gelin codbixiyeyaasha sameyno, doorashooyinkana waqtigoodaii ku qabano kana ilaalino hagar daamo , dhib u dhac  iyo muddo kordhin xaaraan ah oo si qaawan loogu badheedho.

Muddo Kordhinta maxaad tidhaahdeen!!!!

 

  1. Cambaareyn

Waxaan cambaareynayaa xadhigii xalay ee labada dhallinyarada ka tirsanaa JIDALI ee laga qabtay isla hudheelkan CROWN iyaga oo shir wada tashi ku jira. Sidoo kalena xadhigii Gudoomiyaha Jiidali. Dhamaantood waxaan soo jeedinaynaa in loo soo celiyo xoriyadooda

Waxaan ugu baaqayaa in xoriyadiisa loo soo celiyo Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI oo xidhan in ka badan lix (6) usbuuc iyada oon maxkamad la keenin dembina lagu cadeyn, cid ku mudici ahna aan la aqoon .

Waxaan kale oo cambaareynayaa cabudhinta iyo xadhiga  joogtada ah ee lagu hayo saxaafadda madaxa banaan iyo muwaadiniinta aan loo marin qabashooda si aan sharciga waafaqsanayn”.ba-300x199

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS