haatuf.net
Wiil Uu Dhalay Madaxwayne Ku Xigeenka S/Land Iyo 4 Qof Oo Kale Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Ka Dhacay Deegaanka Dacar-Budhuq
November 28, 2014 - Written by Admin Two

Dacar-budhuq, medicine November 27, 2014 (Haatuf) – Shil baabuur oo maanta ka dhacay deegaanka Dacar-budhuq ee gobolka Saaxil, ayaa waxa ku dhaawacmay lix ruux.

Shilka Baabuur oo haleelay gaadhi ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ku sii jeeday Magaalada Burco, ayaa lixda qof ee dhaawacmay waxa ku jira wiil uu dhalay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Dirawalkii gaadhiga Madaxwayne ku xigeenka, Sawir qaade la socday Weftiga iyo saddex qof oo kale, sida uu Somalilandtoday u xaqiijiyey Afhayeenka Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiqani Askar.

Shilka ayaa waxa uu ka dhashay gaadhi Rakaab ah iyo gaadhi ka mid ah weftiga Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo isku dhacay, markii weftiga Madaxwayne ku xigeenku marayeen degmada Dacar-budhuq oo ah jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Waftiga sayliciShilka oo dhacay abbaaro afartii galabnimo ee shalay ayaa waxa dadkii ku dhaawacmay la keenay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si xaaladdoooda loola tacaalo, sida uu xaqiijiyey Afhayeenku.

Shilkan khasaaraha keenay ayaan waxba ka beddelin ujeeddadii weftiga Madaxwayne ku xigeenka, waxayna iska sii wateen hawlahoodii shaqo ee ay u socdeen. Laakiin Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa dhambaal Duco ah hawada u mariyey dadka dhaawacu ka soo gaadhay shilkaasi.

Lama caddeynin dirawalka Madaxwayne ku xigeenka ee shilkaasi ku dhaawacmay inuu ahaa dirawalka gaadhiga ku siday Madaxwayne ku xigeenka xilliga shilku dhacay iyo inuu ahaa dirawalkiisa labaad oo gaadhi kale saarnaa. Laakiin Sida uu sheegay Afhayeenkiisu waxa uu Madaxwayne ku xigeenku uu guud ahaan dadka dhaawacmay ILAAHAY uga baryey inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.waftiga-saylici

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS