haatuf.net
Car-Juuqdhaha Seerihii Kacaankaad Daaqdeene: Faalo Suxufi Xasan Maal Dhidar
December 3, 2014 - Written by Admin Two

Waa qormo murugo iyo naxdin xambaarsan oo aan Shacabka reer Somaliland ee Jecel Madaxbanaanida, vcialis 40mg iyo Xoriyatul qawlka, aan usoo bandhigi doono taas oo aan ku hoga tusaalayn doono xadhigii sharci darada ahaa ee ay nagula kaceen xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Abaaro 10:40 3 122013 ayey ahayd markii Aniga iyo Sadex Wariye oo kale nalaga soo qabtay meel ku dhaw dhismaha Wasaarada Beeraha somaliland halkaasi oo Daqiiqado yar ka hor ay iskugu yimaadeen suxufiyiin tiro badan oo doonayey inay sameeyaan mudaharaad salmiya oo ay kaga dhiidhiyaan siidaynta la siidaayey maxbuuskii sameeyey falkii lagu soo weeraray wargeyska madaxa banaan ee HUBAAL ee ka soo baxa magaalada hargiesa, hadaba intaanay waxbaba dhicin ayaa aniga oo hortaagan hudheel laga cunteeyo dhab la iisiiyey ka dibna waxaa ila booday gaadhi siday sadexda weriye ee aan la xidhnaa.
Waxaana nala geeyey saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa, halkaasi oo magacyadii markii nalaga qoray waxaa nooyimi ninka madaxa baadhista ka ah saldhiga dhexe waxanu yidhi erayo aanu umacnaysanay sarbeeb oo ahaa ma saxaafadiibaa waar inamada meel wanaagsan ku xidha oo dacasna usoo iibiya intaasi ka dib waxaa nalaga saaray suunkii iyo kabahii waxaana naloo dhaqaajiyey xagaa iyo meeshii nalagu xidhayey, kadibna waxaa kadinka taagan nin albaabka fura oo loo yaqaano joornaati wuu na baadhay markii uu jeebabka iyo meelkasta nawada baadhay ayaa waxa uu ku arkay aftayadii mid ka mid ahaa waa siiciid khadare tusbax uu jeebkiisa ka saaray ka dibna siciid waxa uu ku yidhi waan ku wardisanayaa ee walaal iidaa ka dibna askarigii dhirbaaxo kulul ayuu ugu jawaabay siciid ka dibna nala dhaqaaji waxaanu dhaafnay ilaa sadex albaab oo kala dan beeya waxaana nalagu xidhay qol xaga danbe ah oo loogu tala galay dadka dilka ama danbiyada halista ah gala, qolkaasi waxa uu ahaa afar mitir oo isku wareega oo suulina ku dhexyaalo
isla markaana urta iyo kabaca kaadida uu madaxu ku xanuunayo qolkaasi oo aad
moodaysay mid aan qof bini aadana oo nafi ku jirto loogu talagalin sidiisaba.
Gabalkii ayaa dhacay waxaana bilaabmay xiinkii kaneecada iyo beratankii jiirka iyo mugdi hadii isha farta lagaa galiyo aanad arkayn ka dibna albaabkii ayaanu garaacnay waxaana mudo ka dib noo yimid taliyihii saldhiga dhexe ee hargiesa oo loo yaqaan ci,dheere iyo ninkii markaa gaadhka lahaa waxaanu taliyihii intuu si kulul noola hadlay yidhi waa maxay maxaad albaabka u tumaysaan, waxaanu ugu jawaabnay taliye bini aadan ayaanu nahay oo jiirka nacunayee shamac la shito noosoo iibi ka dibna waxa uu noogu jawaabay bini aadan ma tihiin ee dameeraad tihiin jiirmaahee may dacawo idin cunto waanu naga dhaqaaqay, kumaanu joogin sidiiye hadana saacado ka dib ayaanu garaacnay albaabkii wuu noo yimi oo waxa uu yidhi mardanbe hadaad garaacdaan afartiina midba meel ayaan ku xidhayaa intaa ka dib ayuu nagu soo noqday anagoo quusanay oo sibidhkii hurudna ayuu nagu soo noqday ka dibna waxa uu yidhi tooshkaa qaata oo mardanbe ha garaacina ka.

Afartayadii ayaa marqudha qaylinay oo nidhi taliye xaafadahayagii noola hadal gogol ha naloo keenee iyo wax aanu huwano kadibna wuu noola hadlay waxaana naloo keenay gogal iyo bustayaal maanu seexan oo waxay noo ahayd habeenkii noogu wer werka badnayd sidii anagoo ufadhina ayaa salaadii subax la eedaamay ka dibana waanu gabagabaysanay ileen biyo ma jiraane waananu tukanay.

Intaa ka dibna markaanu ku jirnay afar caano maal ayaanu habeenimo guaan gaadhnay guaankaas oo ahaa in haba yaraatee wax oomato ah aanan afka saarin
Ee aanu Cuntada ka soono ka dibna markii uu waagu baryay sidii aanu guaansanay ayaanu kaga dhabaynay waananu soonay mudo 48 saacadooda wax cunto ah maanu cunin habeenkii danbe ayaa la soo xidhay 8 nin oo reer koonfureeda oo lagu tuhunsanaa inay argagixiso yihiin,waxaana lagu soo xidhay qolka aanu ku jirnay mid ka danbeeya hasa ahaatee iyaga albaabka ayaa laga furay oo anaga ayey albaabkayaga hor imanayeen waananu is waraysanay markii ay halhabeen ku jireen ayaa la siidaayey kadibna fariin ayaanu ufarnay in ay dadkii usheegaan inaanu soonay oo aanu cunto joojin samaynay.
Intaa ka dib ayaa subixii danbe waxaa noo yimid suxufi ka mida saxaafada somalilnd ka hawl gasha suxufigaa oo magaciisa la yidhaahdo Cigaal Almis oo isagu dedaal dheeraad ah ugalay sidii uu noo arki lahaa isla markaana uu wax uga ogaan lahaa xaalada aanu ku suganahay, maadaama aanu 48 saacadood cunto joojin samaynay.

isla habeenimadaa ayaa waxaa dhacday wariyihii noogu yaraa oo la odhan jiray cabdisalaan cabdirashiid ayaa xanuunsaday oo ku xanuunsaday cunto la,aantii
isla markaa saacadu markay ahayd 1dii habeenimo ayaanu garaacnay albaabka kadibna waxa noo yimi ninkii gaadha joogay waxaanu ku nidhi ninkani waa sakaraad waanu xanuun ka dib wuxu yidhi saacad cidi idiin Iman mayso dhaqtarkana gaadhi lagu geeyaa ma jiro.

Faalo Suxufi Xasan Maal Dhidar

Lasoco Qormada Labaad iyo Soo dayntayadii iyo Doorkii Maxkamada GobolkaXasan Maal

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS