haatuf.net
Odhaahda Maanta Ee Jamaal Cali Xuseen: “Waxaan U Sheegayaa Taageerayaasha UCID Iyo Taagerayaasha Soo Socdaba In La Gudo Gelaayo Xilliyaddii….”
December 3, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergy December 3, symptoms 2014 (Haatuf) – Musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa taageerayaasha xisbigooda iyo kuwa uu sheegay inay ku soo biiri-doonaan dhawaan iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-ba ugu baaqay inay isku-duubnaadaan, anabolics kaas oo tibaaxay in la guddo-galay xiligii kala-guurka isla markaana ay wakhtiyadan oo kale ay ka xasaasiyad badan yihiin xiliyadii hore ee la soo maray.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa FACEBOOK, taas oo uu kaga fal-celinayey xaaladda kala-guur ee lagu jiro. Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu dhignaa sidan:- “Marka hore salaanta Islaamka ayaan idinku salaamay (ASCWW), Ilaahay baa mahad leh inuu dalkeenii nabad inooga dhigay. Warar badan oo laysla dhex maraayey ka dib waxaan u sheegayaa taageerayaasha xisbigga UCID iyo taagerayaasha soo socdaba in la gudo gelaayo xilliyaddii kala guurka oo dabayshii doorashaddu ay soo socoto. Marka hore waxaan shacabka ugu baaqayaa in laysku duubnaado oo danta shacabka mar walba laga hor mariyo ta gaarka ah. Xisbigga UCID waa xisbi qaran oo doorashaddii ugu danbeysay ee golaha deegaanka kasbaday taageerayaa badan oo boqolaal kun kor u dhaafay oo si kastoo layskugu dayey in xisbigga la reebo haddana uu Ilaahay u gartay inuu soo baxo oo weliba cod xalaal ah oo aan ahayn is xanbaar ama ku shubasho ku soo baxay (Codkii Rasmiga ahaa ee dadka ayuu UCID ku soo baxay). Inshallah dhowaan waad arki doontaan dad tiro badan oo miisan weyn ku leh Somaliland oo xisbigga ku soo biira. Somaliland inshallah marka ay codeynayso, waxa loo codeynayaa labadda nin ee kala ah murashaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa Inshallah iyadoo qof walba lagu qiimeyn doono shaqooyinkooddii hore iyo sida ay shacabku ugu kalsoonaan karaan. Markaa waxaa muhiim ah uun in aynu doorashadda si nadiif ah u galno, Shacabkuna indhahooda iyo dhegahooda si fiican haw furaan; yeeynaana noqon sanadkani Qalad qalad ku sax. Wa bilaahi Tawfiiq; Waxaanan idiin rajaynayaa kheyr, nabad iyo caano”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS