haatuf.net
Ciidanka Waaxda Socdaalka Oo Baadhis Ka Bilaabay Huteeladda Magaaladda Hargeysa, Laguna Soo Xidhxidhay Dad Ajnabi Ah
December 5, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergist December 5, symptoms 2014 (Haatuf) – Ciidamadda Waaxda Socdaalka Somaliland ayaa xalay hawlgalo ay sameeyeen oo ay ku baadhayeen hoteelada magaaladda Hargeysa iyo meelaha dadka safarka ahi deganyihiin ee magaalooyinka Somaliland gaar ahaan caasimada dalka ku xidhxidhay dad ajanabi ah.

Sida ay Tilmaameen wararka aanu ka hellay ilo u dhuundaloola hawlgalkan, ambulance ciidamada waaxda socdaalku waxa ay hawl-galkani la xidhiidhaa amaanka, iyadoo su’aallo la weydiinayo dadka socotada ah ee degan huteeladda aqoonsiyadooda iyo meesha uu ka yimid mid waliba. Warku waxaa uu intaas ku daray in dhowr qof oo ciidamada waaxda socdaalku ay ka shakiyeen sidoo kale xabsiga loo taxaabay kuwaasoo ay ku jiraan afar qof oo Hindi ah oo xogaha qaarkood tilmaameen inay u shaqeeyaan shirkadaha dhismaha qaarkood, kuwaasoo aan sidan wax aqoonsi ama Taysaro ah. “Hawlgalkani waa mid aanu kulla dagaalano sharci daradda, islamarkaana lagu sugayo amaanka. Wax dheeraad ah oo jiraana ma jiraan aan ka ahayn, hawlgalada suggida amniga iyo kuwo aanu kaga hortagayno Tahriibka oo isaga aanu kula jirno dagaal balaadhan.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah saraakiisha waaxda Socdaalka oo aanu la xidhiidhnay.

Balse diiday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo iyo in magaciisa la shaaciyaba. Waxaana uu intaas ku daray oo kale in ay huteeladda hore ugu wargaliyeen inay dadka weydiiyaan aqoonsi oo aanay ogolaan cid aanay hayn xogteedda ama sharcigeeda.

Maaha markii koobaad ee hawlgan oo kale waaxda socdaalku qaaday, balse laba saddex jeer oo hore ugu yaraan ayay talaabadan oo kale ku dhaqaaqeen.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS