haatuf.net
Akhriste Ma Taqaannaa Sifooyin Ay Cabdicasiis Samaale Iyo Wasiirkii Maaliyadda Ee Suuriya Wadaagaan W/Q: Muj. Cali Cismaan Cabdi-libaax [Cali-Xaraaro)
December 5, 2014 - Written by Admin Two

Waxaa Jira Sifooyin uu Wasiir Samaale kala siman yahay Wasiirkii Maalliyada Suuriya Ee cahdigii Xaafiudl Asad. Haddii aan shacbiyahow isu kiin barbar dhigo ama tusaaleyaal ay Samaale iyo Wasiir-maaliyihii Xaafidul asad farta ku fiiqo waxa ka mid ahaa:

Hoggaamiyihii Hore ee dalka Suuriya ee Maxamed Xaafidul Asad oo dalkaas xukumayay 12-kii March 1971 Ilaa 10-kii June 2000 oo uu geeriyooday, price kadibna uu wiilkiisu [Bashar Al-asad] talada dhaxlay ayaa intii uu [Xaafid] talada hayay waxa uu wasiirka Maalliyada u magacaabay nin la odhan jiray Samiir Yacquub, oo xilligaas ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka golihii shacbiga ee dalkaas.

Shakhsi ahaan Samiir Yacquub ma uu ahayn shakhsi Aqoontiisa waxbarasho dhisnayd [Academic ahayd] oo uu Madaxweynuhu ku soo xushay, xataa Qur’aanka kariimka ah si fiican uma uu aqoon marka laga reebo Aayado koob kooban oo uu u soo daliishado kolba siyaasaddiisa. Hase yeeshee Muhiimmadda ugu miisaaman ee Xaafidul-Asad ku soo suntaday ayaa ahayd isaga oo Wasiir Samiir Sida uu Madaxweynuhu doonayo u dhigi jiray khudbadiisa iyo macnaynta doonistiisa, tusaale ahaan Maalin isaga oo Wasiirku khudbadaynaya ayaa waxa dhacday in uu qarda-jeexay isaga oo ku tiraabay “Madaxweyne Xaafidal Asad Maaha qof caadiya ee waa rasuul loo soo diray ummada Suuriya”. Taas oo markii ay afkiisa ka soo yeedhay guul-wadayntaas ay markiiba Culimaa’u-diinku afka gacanta geliyeen iyaga oo isla oogsaday Qaylo muujinaysa qarada ay le’egtahay gefka uu WAsiir Samiir Yacquub ku tiraabay.

Dhaleecayntaas ka soo yeedhay Culimada Islaamka ee ka dhanka ah Samiir ayaa Madaxweyne Xaafid u adkaysan waayay, ka dibna xilkii ayuu ka qaaday!!!.

Akhriste haddii aad nuxurka sheekadan fahantay, Maxaa Kaaga Baxay?

Habeen dhawayd ciddii daawanaysay Telefishannada waxa laga baahiyey Wasiirka Axmed Siilaanyo Xukuumaddiisa u qaabilsan Maalliyada Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadallo Aflegaadooyin iyo deel-qaaf ah hawada u marinaya Mucaaridka, isaga oo u soo daliishanayay aayado, macne ahaan kuu dhadhamaya in uu leeyahay Mucaaridku waa Kufaar, waxa laga guntay oo uu yidhi habeenkaas “…Ambiyaddiiba waa la dhibaatayn jiray, markaa Madaxweynaha la dhibaateeyo annagu waxba ka soo qaadi mayno..”.

Hadal kale oo ka horeeyey kan maalintan dhawayd oo isaguna Kaydka Taariikhda u galay ayaa Samaale sidan oo kale uu Fircoon ugu tilmaamay Madaxweynihii sida gobonimada leh xilka uga degey ee Daahir Riyaale Kaahin kaas oo lagu xasuusan doono dardaaran kii dhaxalgalka ahaa ee laga reebay markii uu talada ku wareejinayey Axmed Siiraanyo.

Xaajo-ba la yaab lehe, hadmaa uu Axmed Siilaanyo kamid noqday Ambiyada Illaahay soo diray, Miyaanay Culimadu maqal, haddii ay maqleen se maxaa ay uga hadli waayeen oo ay gefkaas Alle uu ka galay u dhaleecayn waayeen. WAxaan leeyahay oo aan kaga baxayaa qormadan…..Waar Hooy ummad yahay dhug u yeesha hadallada, halana urursado Hadallada afkooda ka soo baxay.

 Allaa Mahad Leh

Qalinkii:

Muj. Cali Cismaan Cabdi-libaax [Cali-Xaraaro)

Hargeysa, Somaliland

Facebook.com/calicismaan.libaax

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS