haatuf.net
Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICC Oo Laashay Eedihii Madaxweynaha Kenya Loo Haystay
December 5, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra cheap December 5, help 2014 (W.wararka) – Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka(ICC), sickness ayaa dib ula noqotay eedihii bani’aadanimada ka dhanka ahaa ee loo haystay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Xeer ilaaliyaha Maxakamadda ICC Fatou Bensouda, ayaa maanta Jimcihii sheegtay inaanay sii wadi karin eedaha loo haystay madaxweynaha Kenya “Xeer ilaalintu waxay la noqotay Eedaymihii ka dhanka ahaa Uhuru Kenyatta” ayay Fatou Bensouda ku tidhi Qoraal ay u gudbisay Maxakamadda ICC ee fadhigeedu yahay Hague.

Ka noqoshada dacwada madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa lagu sababeeyay inaan la hayn caddaymo macquul ah oo lagu sii wado dacwada. waxay hore xeer ilaalintu u sheegtay in Xukumadda Uhuru Kenyatta diiday inay soo gudbiso Caddaymo ku filan eeda loo haysto Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa wejehayay Maxakamadda ICC, isagoo marar ka qayb galay fadhiga Maxakamadda intii uu xilka hayay. Waxaa loo haystay inuu ku lug lahaa rabshadihii ka dhashay doorashadii Kenya ee sanadkii 2007-dii oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 1,000 Qof.

Uhuru Kenyatta ayaa noqoday Madaxweynihii u horeeyay ee u hogaansama Maxakamadda ICC islamarkaana ka qayb gala dhegaysiyda Maxakamadda isagoo xil 3c7d9df28425e67f0c198b6a8365746b_Shaya.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS