haatuf.net
“Waxa Muuqata In Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisu Ay Dhisayaan Guddoomiye Ciro & Xisbigiisa Wadani Sidii Uu U Noqon Lahaa Madaxweynaha Iyo Xisbul Xaakimka Barito” Wariye M. Sagax
December 6, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, medstore December 6, ailment 2014 (Haatuf) – Wariye Maxamed Ibraahim Sagax ayaa sheegay in ficilada guracan ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku kacayso ay taageero laxaad leh u samaynayso Gudoomiye Ciro iyo Xisbigiisa Wadani.

Mr Sagax waxa uu intaa ku daray in xisbiga Wadani oo laba jir ku dhawi uu taageerayaal badan ku kasbanayo habdhqanada foosha xun ee xukuumada Siilaanyo ku dhaqmayso, pills isla markaana ay muujinayso heerka liita ee uu marayo xisbigii guunka ahaa ee Kulmiye.

Wariye Maxamed Ibraahim Sagax waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu caawa u waramayey shabakada Wararka ee Hilaacmedia.com, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Marka la eego talaabooyinka iyo dhacdooyinka ka soo ifbaxaya Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa waxay si cad u muujinaysaa in gudoomiye Ciro oo musharax madaxweyne uga sharaxan xisbiga Wadani ay u yihiin kuwo dhisaya, isla markaana taageero badan oo laxaad leh u samaynayaa, sababtoo ah waxa uu Wadani arimahaasi ku kasbanayaa inuu helo taageerada shacbiga Somaliland oo dhan”.

 

Mr Sagax mar uu ka hadlayey Masayrka Xukuumada iyo xisbigeedu ay ka masayreen cududa xisbiga Wadani oo jiray wax ka yar laba sano waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye oo maanta ah xisbul xaakimkii oo isagu ah xisbi guun ah oo dhawr iyo taban sano jiray in maanta xisbiga Wadani oo isagu jiray mudo laba sano ku dhaw in maanta ay dhacdo in xukuumadii iyo Kulmiye ay xisbigii mucaaridka ahaa ee raad-qaadka ahaa ay murmaan, taasi waxa ay meesha ka saaraysaa in Kulmiyihii xisbiga adag ahaa markii uu mucaaridka ahaa inuu maanta dildilaac galay hogaamintiisa, waxaana loo baahnaa in xisbiga Kulmiye uu noqdo mid aan taageerada shacbiga lagula tartami karin, marka se la eego ee loo dhabo galo waxa dhacaya ee ay ka mid yihiin ficilada faragalintii Baarlamaanka, falalka lagu xidhxidhayo xubno ka tirsan xisbigaasi, suxufiyiinta iyo warbaahinta xayiran iyo tacadiga sharcidarada ah ee lagu hayo dhalinyarada ururka Jiidali ee xidhxidhan iyo marka la eego ficilkii guracnaa ee aan hore Somaliland loogu arag ee weerarka lagu qaaday hotel Crown oo la sheegayo in caruurtii dayarta ahaa ee mustaqbalka loo raadin lahaa la sheegayo in masuuliyiin xukuumada ka tirsani ay dhaqaale soo siiyeen oo ay soo abaabuleen, ayaa waxa ay noqotay mid ugub ku ah Somaliland in caruur yaryar siyaasad la galiyo oo la adeegsado”. Ayuu yidhi Wariye Maxamed Ibraahim Sagax, waxaanu intaa ku daray “Waxaan odhan karaa xukuumadu ha ku jirto ama yaanay ku jirine inay nasiibdaro tahay in xukuumadii la filayey inay amaanka sugto ama taageerada shacabiga Somaliland ay kasbato inay ayaandaro tahay in la yidhaahdo xukuumadu iyadiibaa amaandaro abuuraysa.

Waxaanay taasi muujinaysaa inuu dildilaac iyo dabac galay hogaamintii xukuumada Kulmiye iyo isku xidhnaantii wadashaqayneed ee qaranka arimahaas oo dhan marka la eego anigu waxaan qabaaba in madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay dhabaha u xaadhayaan sidii gudoomiye Cabdiramaan Ciro iyo xisbiga Wadani-ba ay u noqon lahaayeen madaxweynaha barito iyo xisbi xaakimka barito”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS