haatuf.net
Baarlamaanka Somalia Oo Kalsoonidii Kala Noqday Raysal-Wasaare Cabdi Wali Iyo Xukuumadiisii
December 6, 2014 - Written by Admin Two

Xildhibaanada Baarlamaanka SomaliaXildhibaanada Baarlamaanka SomaliaMuqdisho, therapy December 6, 2014 (Haatuf) – Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlada Faderaalka Ah Ee Somalia Ayaa Maanta  Kalsoonida Kala Noqday   Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cabdi-Weli  Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisa  ka  dib markii mooshin ka dhan ah raysal wasaraaha iyo xukuumadiisa loo gudbiyey barlaamanka isla markaana maanta  cod kalsoonida loo qaaday mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha.

Mudanayaashii   fadhiga  ka soo xadiiray ayaa ay  tiradoodu  ahayd 235 xildhibaan 153 ka mid ah waxay ogolaadeen in kalsoonida lagala laabto xukuumadda ra’iisul wasaaraha halka 80  ka mid ahina ay  diideen in kalsoonida lagala laabto waxana ka aamusay laba mudane.

Waxana ku dhawaaqay natiijada  codeynta  guddoonka golaha baarlmaanka federaalka soomaaliya  iyagoo sheegay in codeyntu ay tahay mid ansax ah isla markaana kalsoonidii lagala noqday xukuumad  ra’iisul wasaare  Cabdi Wali Sheikh.

Shir-gudoonka ayaa ugu baaqay madaxweynaha soomaaliya inuu muddo soddon casho ah ku soo magacaabo ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa C/Weli Sheekh, iyagoo sheegay in inta muddadaas ka dhiman ay xukuumaddu sii shaqeynayso.

Mooshinka kalsoonida loogu diiday ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa waxaa bishii hore u soo gudbiyay baarlamaanka 138 mudane, kuwaasoo ra’isul wasaraha iyo xukuumaddiisa ku eedeeyay inay howshii gudan waday.

Ra’iisul wasaaraha kalsoonida lagala laabtay C/weli Sheekh ayaa isaguna horay u sheegay in mooshinka laga geeyay baarlamanka uu ahaa mid loogu daneynayo wasiir ay saxiibbo yihiin madaxweynaha Somalia oo uu ula jeeday Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ah wasiirka garsoorka iyo dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba Arintu Ha Ahtee Kalsooni Kala Noqoshadan AY Maanta Sameeyen Baralamanka ayaa noqonaya ra’iisul wasarihii labaad oo kalsoonida uu kala laabto baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii xilka madaxnimo ee dalka loo doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS