haatuf.net
Nuxurka Go’aamo Ka Soo Baxay Shir Ay Xalay Magaaladda Hargeysa Ku Yeesheen Siyaasiyiin Haldoor Ah Oo Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadda Siilaanyo
November 5, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, cialis November 5, bronchi 2014 (Haatuf) – Koox marba marka ka dambaysa tiradoodu soo kordhayso oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, isla markaana ay aasaas u yihiin xubno xukuumadda xilal ka soo qabtay, balse haatan banaanka ka jooga oo beryahanba shirar xidhiidh ahi u socdeen, ayaa la sheegay inay xalay fiidkii yeesheen kulankii sadexaad.

Ma jiro war toos uga soo baxay kulankaasi, balse siday illo xog ogaal ahi u sheegeen wargeyska Ogaal, dhinacyadaa kulankaa ka qayb galay, waxay sii wateen faaqidaad la xidhiidha xaalada wadanka iyo sidii wax looga qaban lahaa. Warku wuxuu intaa ku daray, in shirkaa lagu saaray guddi sii axadha arrimaha ay is fahamka ka gaadheen, oo bedeshay gudi hore u soo samaysay sahan siyaasadeed oo la xidhiidhay xaalka guud iyo meesha ay wax ka tari karaan, si loo beegsado Somaliland xasilooni wax waliba ugu dhacaan. Warku wuxuu intaa raaciyay in shirkii xalay layskula afgartay digarogasho iyo inay xisbiga Kulmiye oo khilaafkiisu daba furan noqday, uga wareegaan meel kale, laakiin xogaha wargeyska Ogaal soo gaadhay may xaqiijin xisbiga ay u wareegayaan ka uu yahay . Hase yeeshee xoguhu waxay tibaaxeen, markay qiimeeyeen xaaladda adag ee dalku ku jiro oo ay u arkaan inay keentay maamul xumo,   inay isla qaateen siyaasiyiintaasi  in Somaliland u baahan tahay isbedel  dariiq sharci ah oo dastuurka waafaqsan u dhaca, sidii horeba u dhacday, is bedel doonka kulmiye

Warku wuxuu intaa ku daray, in xubno cusub oo hor lihi ay ku soo biireen kooxdaa, qaarna ay khadka telefoonka kaga qayb galeen sheegeena inay qayb ka yihiin, go,aan kasta oo la qaato oo waxtar u ah toosinta Somaliland oo ay u arkaan, inay kow ka tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigii loogu tala galay dhacda. Siyaasiyiinta isbedel doonka ah ee Kulmiye ee shirarkaa xidhiidhka ah ee gorfaynta ee weli socda hormoodka ka ah waxa ka mid ah, Wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Caraale Duur, Wasiirkii Hore ee Boosaha Cali Cilmi Geelle, Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha, wasiirkii hore ee caafimaadka Xuseen xoog, Badhasaabkii hore ee Togdheer Axmed Xamarje, Badhasaabkii hore ee Gabilay Rashiid Cumar, Agaasimhii guud ee hore ee dibu dejinta, Axmed Cilmi Barre, Maareeyihii hore ee Wakaalada korantada Hargeysa Weli xaawa iyo dhawr labaatan xubnood oo kale siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar aan qabanba isugu jira, isla markaana ka mid ah xisbiga Kulmiye.Source:Hubaal.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS