haatuf.net
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xad-gudub Sharci Ku Eedeeyey Xukuumadda Siilaanyo, Luuqad Adagna Ku Cambaareeyey Xildhibaano Golaha Deegaanka Boorama Ka Tirsan Oo Xalay RRU-Du Guryahooda Kala Baxday
December 14, 2014 - Written by Admin Two

Labada Xildhibaan Ee La Xidhay Ayaa La Sheegay In Isla Maanta-Ba Loo Dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera

 

Hargaysa, allergy December 14, drug 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe oo ah Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Iyo Garsoorka ee Golaha Wakiilada Somaliland  ayaa luuqad adag ku cambaareeyey xadhiga ay xukuumadda Siilaanyo xalay xabsiga ugu taxaabtay laba mudane oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Boorama, clinic kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaano xasaanad leh inay ciidanka RRU-du ugu daataan guryahooda isla markaana ay xabsiga dhigaan.

Xildhibaan Siciid Cilmi waxa uu xusay in labada mudane ee xalay la xidhay in markiiba loo soo dhaadhiciyey xabsiga Man-dheera iyagoon la marinin maxkamadda isla markaana ay sharci-daro tahay in xildhibaano xasaanad leh oo aan golaha ay ka tirsanyihiin xasaanadii kala noqonin in xabsiga loo taxaabo.

Siciid Cilmi Roobe waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta Magaaladda Hargeysa ku qabtay, kaas oo luuqad adag ku cambaareeyey habdhaqanka xukuumadda Siilaanyo ay kula dhaqmayso mudanayaasha xasaanada huwan ee golaha deegaanka degmadda Boorama. Ugu horayna isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Dhacdadii ugu xumayd waxa ay ahayd xalay 12kii habeenimo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama in ay ciidankii rru guryahooda ugu dhaceen waana lasoo qabtay goor habeen badh ah, waana nala dhaafiyay waxaana la geeyey xabsigii man-dheera,maxkamada la taagay danbi lagu oogay iyo gola deegaan oo wax laga waydiiyay majiraan,xukuumada am wasiirka arimaha gudaha markii la waydiiyayna waxa ay yidhaheen xasaanada maleh,waana been wasiirka hadalkaas yidhi sida ta baarlamanku u leeyahay xasaanada ayuu kana u leeyahay”.

 

Xildhibaan Siciid isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu raaciyay ”Halkan waxaan ku cadaynayaa malaa xeer aynu akhrino goor inoogu danbaysay garan maynee,waxa jira xeer lanbar 23 oo 2002kii la abuuray,waxaana uu cadaynayaa xasaanada ay leeyihiin xildhibaanada qodobka 25tanaad dhawr sanaanta xubinta golaha deegaanka,,qodokaas 25tanaad far-qadiisa 3aad waxa ay sheegaysaa xubinta golaha deegaanka inaan la qaban karin ilaa inta golahiisa laga helayo ogolaansho oo ay gacanta u taagayaan in ay xasaanada kala noqdaan.

 

waxa uu xildhibaanku wasiirka arimaha gudaha Somaliland ku adkeeyey inuu xeererka xildhibaanada golaha wakiilada, guurtida iyo golaha deegaanka dib u eego,kana daayo xidhiga sharciga ka hor imanaya,waxaana uu arinkaas labada xildhibaan loogu xidhay ku sifeeyey dastuur jabin ay xukuumadani cagaha kula jirto. Waxaanu yidhi “Noocii xukuumadii Af-wayne ayay xukuumadani u dhaqmaysaa ee shacabku ka dagalameen,shanta kun ee qofna u dhintee,dadkuna ku rogmeedan ayay xukuumadani dalka maanta ku wadaa,anigu waxaan ku hadlayaa afka guddoomiyaha gudida cadaalada iyo garsoorka ee golaha wakiilada somaliland,arinta dalka ka dhacaysa ee duniibta gaysanaysa waa xukuumada,shacabku danbi maleh nin sarkaal ah oo la xidhayo arki maysid oo iyaga uunbaad hadan xabsiga la dhigayaa”.

“Labada Xildhibaan ee xidhan waa Xasan Maxamed Cumar,xildhibaan Ibraahin Axmed liibaan,waxaana jira 20 dhalinayro ah oo iyagana lagu daray labada xildhibaan oo markii ay ciidanku usoo daateen difaacay sida la sheegayo,arinkaas waan canbaaraynayaa falkaas ay xukuumadu markasta kula kacayso xildhibaanadii xasaanada lahaa ee shacabku gacantooda ku soo doorteen.

 

Dhinaca kale maaha markii ugu horaysay ee xukuumadan maanta talada dalka haysa ay xabsiga dhigto xildhibaano xasaanada leh oo shacabku soo doorteen,waxaana xabsiga la dhigay maal-mo dhawayd 5 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid yahay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble laftiisu.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS