haatuf.net
”Xukuumadda Siilaanyo Marka Geel Loo Heeso Gorayo Ayay U Heestaa, Cudurka Fardaha Galana, Dameerahay Ka Gubtaa” Mujaahid Cali Guray
December 15, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, look December 15, ambulance 2014 (Haatuf) – Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, sales Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa eedo horleh usoo jeediyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, kaas oo ku naqdiyey inaanay ka fiirsanin ficilada ay kaga jawaabayso dhacdooyinka dalka ka dhaca.

Cali waxa uu sidaasi ku sheegay fariin kooban oo uu soo dhigay Bartiisa FACEBOOK, taas oo iyadoo dhamaystiran u dhignayd sidan:-

“Xukuumaddu khilaaf kasta waa u caado inay xal uga doonto “XADHIG IYO XABAD” xataa inta aanay dersin ee aanay u fahmin dabci ahaan iyo dhalan ahaan taas oo had iyo goor ku keenta inay intiisa ka waynayso ama kaba yarayso oo labada goorba natiijadu noqoto xal la’aan iyo in marka geel loo heeso ay iyadu gorayo u heesto ama cudurkii fardaha galay ay iyadu dameeraha ka gubto. Cidda inta badan go’aanka lihi cid wax og maaha cidda ay inta badan wax waydiisaana waa cid aan iyada waxba dhaamin hadii aanay kaba sii liidan. Natiijadu inta badan waxay noqotaa xaajo nin aan ogayni indhahuu ka rida oo inta badan xal daayoo waabay uga sii dartaa.

Arinka Suldaan Wabar xukuumaddu wax faahfaahin ah kamay bixin inta uu suldaanka laftiisu sheegayna wax la fahmi karo maasha. Ma tabashooyinkii hore ee Awdal bay salka ku haysaa oo Suldaanka cid baa ku wehelisa oo igmatay? Ma tabasho isaga u gaar ah iyo wax uu diidan yahay baa jira? Mise sida loo arki karo talaabada xukuumadda baroortu orgiga ka wayn oo col iyo cadaawe ina galay ama inagu soo fool leh baa jira? Mise shakiga mucaaridka ayaaba run ah oo suldaanka iyo xukuumaddu way is og yihiin oo waxa la abuurayaa waa qulqulad looga gol leeyahay calashaan yay doorasho dhicin. Si kastaba xaalku ha ahaado eh war jiraa cakaaruu iman.

Kolay dhan walba u dhigoo arinkani arin quman maaha Itoobiya oo durba la sheegayo in ay u yeedhay Wasiirkii Arimaha Dibadda iyo weliba Taliyihii Ciidanku lafteeda dhaqdhaqaaq jiidan xasaasiga ahi wuu khuseeyaa waayo waa dhul buuralay ah oo dhuunta kaga jira magaalooyin waawayn, sida Jigjiga, Harar, iyo Dire Dawa. Sidaa daraadeed xadka Tog-Wajaale ilaa Gees Diir wixii ka dhacaa maaha wax Somaliland uun khuseeya ee ugu yaraan waxa jira sedex dal oo si toos ah uu saamayn ugu yeelan karo. Gaar ahaan Itoobiya hadii ay dhaqdhaqaaq nabadgelyadeeda lid ku ah ka dareento jiidahaasi gacmaha kama laaban karto waanay qaadi kartaa talaabo hadii ay Somaliland raali ka tahay iyo hadii kaleba.

Sidaa daraadeed aniga waxay ila tahay in khilaafkan sida ugu dhakhsaha badan loo soo af jaro xal siyaasi ah oo nabadeed lagu dhamays tiro xukuumaduna si waali duulka indho la’aanta ah joojiso oo marka hore hogaamiyo dhaqameedka uga dambayso iyo weliba Golaha Guurtida hadii ay weli guurtinimo ku sii hadhsan tahay”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS