haatuf.net
“Ciidan Uma Baahna Boorama Ee Caddaalad Bay U Baahan Tahay “Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Awdal
December 18, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, prostate December 18, here 2014 (Haatuf)  – Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka tirsan Xildhibaanada Wakiilada, ayaa sheegay in xaqiiqada ay ku salaysan tahay tabashada reer Awdal. Waxa uu sheegay in reer Awdal u baahan yihiin caddaalad balse aanay u baahnayn ciidan la dul geeyo.

Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka tirsan mudaneyaasha reer Awdal ee ugu cadcad kana tirsan Kulmiye oo markii u horaysay arintan ka hadlay ayaa muujiyay inaan xukuumaddani dan ka lahayn reer Awdal “Waxaan jeclahay inaan Mushtamaca u iftiimiyo tabashada reer Awdal halkay ku salaysan tahay, haddaan dib ugu noqdo tabashadaas intii Somaliland jirtayba Reer Awdal wax wey tabanayeen oo mar walba Bani’aadamka waxbaa ka dhiman.

Hase ahaatee markii ay sii badatay ee dadku iyagoo wefti ah xukuumadda u imanayeen ee ay lahaayeen kolba waxan baan qabnaa waxay ahayd intii xukuumaddani Kulmiye talada qabatay.cabashadii u horaysay waxaa Madaxweynaha loo gudbiyay 2011-kii bishii 4-aad, waxaa u gudbiyay Xildhibaanada laba Gole ee Awdal ka soo jeeda,lagamana jawaabin. tabashaduna maaha wax malo awaal ah ee waa tabasho si cilmiyeysan loo qoray oo Madaxweynaha loo gudbiyay. 2012-ka Bishii November ayaanu haddana mar kale tabashadii saxaafadda u marinay Madaxweynaha, isla bishaa Madaxweynuhu Boorama ayuu yimid oo odayaasha oo uu la kulmay ayaa yidhi tabashadaas baanu qabnaa.

Waxa qalin inaad ku qorto u baahan maxaa keenay in qori caaradii aad ku suuliso. waxaan leeyahay dalkan xikmad ha lagu maamulo, somaliland reer awdal waxay ka yihiin iyo lexejecladooda halkay kaga jirto waa la yaqaane.maalintii dhaweyd ee aanu ka baxnay mooshinkii golaha wakiilada ee somaliland oo dhami noo hambalyaynaysay, kuwa bullooyinka u dhaw jigjiga jooga ayaa igu lahaa qaranimo ayaad badbaadiseen, waar gadabuursiga itoobiya jooga ayaa qaranimo u yaqaan somaliland ee yaan been la isku sheegin” ayuu yidhi xildhibaanku

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu ka jawaabay hadal dhawaan wasiirka gaashaaniga mr caddami ku difaacay joogitaanka ciidanka ee Awdal “Wasiir caddami waxaan leeyahay ciidanka qaranku waa ciidankayagii maalinkasta inan reer Boorama ah ayaa ku soo dhinta qorilugud ama kalshaale ama gambadha, dhiigayagii iyo dadkayagii weeye ciidanka qaranku ee colaad ha noo galin ee gee halka looga baahan yahay.ciidan uma baahna boorama ee caddaalad bay u baahan tahay ee ciidanka halka looga baahan yahay gee wasiir” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu cambaareeyay xadhiga xukumaddu u gaysatay xildhibaanada golaha degaanka Boorama “Waxaan aad u cambaaraynayaa xadhiga xildhibaanadii golaha degaanka ee Boorama lagula kacay. xasaanad bay leeyihiin oo waa xildhibaano dad doortay, haddii la ilaaliyo xisaanadda xildhibaanka degaanka, sharafta iyo karaamada madaxweynuhuna way ilaashamaysaa.xadhigaasi waa qayrul sharci, waa qayrul dastuuri oo dastuurkaa la jabiyay marka xildhibaanadaas la xidhay , markaa waxaan doonayaa in si degdeg ah loo sii daayo wixii sharci daradaas fuliyayna lala xisaabtamo”

Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu sheegay  in suldaanka cadhooday ee Wabar uu yahay nin cadhooday balse tolkii oo isku dayay inay u caqli celiyaan ay xukumaddu qalin daartay ka dib markii ay ciidan u adeegsatay “Waxaan leeyahay haddii suldaan qaldamay tolkii baa u quman oo u diyaar ah inay soo qabtaan oo tubta toosan tusaan, haddii dhalinyaro gadoodayna oday dejiya ayay leeyihiin, waxaad arkayseen odayaashii, mutacalinkii,waxgaradkii oo dadkooda nabada kala hadlaya oo ilaashanaya, haddana ilaa hadda boorama inta shacbi joogta ciidankaa ka badan”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS