haatuf.net
Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Hoteeladda Ka Mamnuucay Xafladdaha Xisbiyada Mucaaridka, Akhriso Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay Wareegtadaasi
December 19, 2014 - Written by Admin Two

Berbera, buy order | December 19, unhealthy 2014 (Haatuf) – Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa wareegto uu soo saaray hotelada  magaaladda Berbera kaga mamnuucay in meheradahooda lagu qabto Munaasibadaha laga dheehan karo taageeradda ay bulshadda gobolkaasi u haysto labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani.

Amarka badhasaabka ayaa ahaa mid lagu soo beegay munaasibad Waddani Khamiistii ku lahaa Hotelka ku yaala Berbera, ampoule taasi oo amarkaasi lagaga joojiyay, balse xisbigu xaruntiisa Berbera ku qabsaday Xafladdii oo si wayn looga dheehanayey dareenka ay go’aankan cusub.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil waxa uu amarkan u cuskaday qodob ku jiray heshiiskii mudaneyaasha Wakiilada ee Guurtidu soo saartay, kaasi oo tilmaamayay inay asxaabtu joojiso wixii u muuqan kara olole doorasho inta ka horaysa wakhtiga ololaha doorashada.

“Sidaasi darteed, iyadoo la tixgalinayo heshiiska Guurtidu soo saartay waxaa dhamaan la farayaa hoteelada ku yaala Magaalada inaan wax xaflad ah oo Ololaysan aan lagu qaban Karin Hoteeladooda” ayaa lagu yidhi Amarka Badhasaabka.

Heshiiska Guurtidu kala dhex dhigtay mudaneyaasha Wakiilada ayaan lagu cayimin nooca dhacdooyinka ololaha u muuqan kara ee laga mamnuucay asxaabta, sidoo kalena gudoomiye Fahmi Cabdi Bidaar ayaan ku cayimin qoraalkiisa waxa u muuqan kara olole Doorasho.

Waxaa xusid mudan in asxaabtu mucaaradka ahi ka dib heshiiska Guurtida ay qabsadeen munaasibado ay ku soo dhaweynayeen taageerayaal iyo siyaasiyiin balse aan laga horjoogsan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS