haatuf.net
“Haddii Ay Wada Hadalada Somalia Xukuumaddu Naga Reebtay Waxay Ahayd Inay Noo Sheegaan Waxay La Tagayaan”Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe
December 21, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, prostate December 21, 2014 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee Djibouti ka furmaya Maanta, waxa uu sidoo kale Xukumadda ku dhaliilay talaabada ay Mucaaradka ugu dari wayday wada hadalka iyo sidoo kale xogta shirka oo ay qarisay.

“Djibouti waxay ka mid tahay IGAD, anigu inbadan ayaan lahaa arimaheenu waxay ka bilaamaan IGAD, waxayna ku dhamaadaan Qaramada Midoobay,waxaanan u arkaa wadadii haboonayd, Ismaaciil Cumar Geele-na arintan aad ayuu uga war hayaa, maalintii dhawayd ee aan Jabuuti qabtayna, waan ku booriyay inuu arintan gacanta ku dhigo. Waan soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay guul la taaban karo kala yimaadaan” ayuu yidhi Eng Faysal.

Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inay ahayd in Xukumaddu Mucaaradka ku darto Wada hadalka, sidoo kalena ka tala galiso Qorshaha Xukumaddu la tagayso “Wada hadalada Somaliland iyo Somalia waa arin Qaran, oo wa tii lagu bilaabay,Aniguna waxaan ka mid ahaa raggii bilaabay,wa kuwii haddana bishii july naga saaray, arimahani waa arimo Qaran oo la wada leeyahay, haddii ay xukumadddu naga reebtay wada hadalada Somalia waxay ahayd in bal markay ay tagayso inay na soo wargaliso, oo xiliga ay tagayso noo sheegto, oo waxay la tagayaan noo sheegto.Marka waxa weeye inay Madaxdaasi qaranka uga waramaan wixii lagu wada hadlay iyo qolo walba waxay la shir yimaadeen”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS