haatuf.net
Siilaanyo Iyo Xasan Sheekh Oo Heshiis 6 Qodob Ah Kala Saxeexday Xili Dawladda Muqdisho Ay Jabisay Qaar Ka Mid Ah Qadobadii Hore Loogu Heshiiyey (Daawo Sawiradda)
December 21, 2014 - Written by Admin Two

Djibouti, illness December 21, overnight viagra 2014 (Haatuf)  – Wada hadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ee ka socda dalka Djibouti ayaa laga soo saaray qodobo ay isla garteen labada Madaxweyne Siilaanyo iyo dhigiisa Muqdisho Xasan Sheekh iyo ergooyinka wehelinayay, kuwaasi oo ah waxyaabo ay labada dhinac iska kaashanayaan.

Qodobada ka soo baxay Wada hadalka oo Maanta furmay waxa ka mid ah:-

  1. In la dardar galiyo wada hadalada labada dhinac, islamarkaana wakhti lagu jaangooyo
  2. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arimaha siyaasadda ee Masiiriga ah Lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ah in laga dhawrsanaado waxyaabaha wada hadalka carqaladayn kara.
  3. Inaan la Siyaasaddayn deeqaha Bani’aadanimo iyo Mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiiri galiyo.
  4. In la fuliyo Heshiiskii Hawadda (In labada dhinac wada jir u maamulaan hawadda)
  5. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la isla garto inay wada hadalada ka qayb gali karaan Khubaro farsamo iyo Wadamada Saaxiibka ahi marka loo baahdo;
  6. In Ergada labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia madasha tan xigta ay ku kulmaan dalka Turkiga 15-16-ka January sanadka 2015-ka.

Weftiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo  Xasan Sheekh ayaa qodobadani soo saaray, iyadoo shirarkii ka horeeyay ee Turkiga qodobada sidan oo kale uga soo baxay aanay waxba ka fulin, inta badana Somalia u muuqatay mid aan dhawrayn heshiisyada.

 

Yuusuf GaraadMadaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliyavvvvitiqile10665374_688371334610056_9207077640129789046_n10882248_688371114610078_5739488658205767473_naa10882248_688371114610078_5739488658205767473_nhhh

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS