haatuf.net
Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Afduubay SOLJA Iyo Hogaanka Ururkaas Oo Warbaahinta Uga Digay Shir La Sheegay Inuu Barri Hargeysa Ka Dhici Doono
December 24, 2014 - Written by Admin Two

SAM_6299.JPGHargeysa, remedy December 24, capsule 2014 (Haatuf) –  Wasiiradda Maaliyadda, Madaxtooyada iyo Warfaafinta Somaliland ayaa qorshanaya sidii ay u shirqooli lahaayeen ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaana sida la sheegay dhaqaale badan arrintaasi ku bixinaya Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo hogaaminaya wasiiradda ay qoyska madaxtooyadu u xilsaareen arrintaasi.

Sidoo kale xoghayaha guud ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenka ururkaasi Mr Curad ayaa mar ay shirjaraa’id ku qabteen maanta magaaladda Hargeysa ayaa ka digay shir la sheegay in bari lagu qabanayo magaaladda Hargeysa, kaas oo ah ka lagu shirqoolayo isla markaana lagu majaro-habaabinayo ururadda warbaahinta Somaliland.

Ugu horayn Maxamed Rashiid isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waxaanu wariyayaasha iyo bulshadaba u jeedinaynaa  in shirka babri la qabanayo uu yahay xaraan,halkan waxaanu ku haynaa waraaqdii aanu dib ugudhignay shirka lakiin gudidu wax danbe oo hore loogu soo dhigay oo gudidu ka shirtay majirto,waxaana arinkan gacanta kula jira wasiirka warfaafinta ururka arimaha Somalia ka shaqeeya ee layidhaa SONSOF, Xoriyatul-qawlkuna waxa ay ku ku jirtay arimihii Somaliland iyo Somalia ka wada hadleen ee la yidhi hala ilaaliyo xuquuqda saxaafada Somaliland”.

Xog-hayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja oo hadalkiisa Siita ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay shirkaasi waa xaraan wixi kasoo baxaana waxba kama ogin sidii ururada iyo warbaahinta kaleba loo xidhayna iyo dadka u dooda xoriyatul qawlka ayaa loo xidhayaa furaha lagu wareejinayaa RRU,markaa waxaanu leenahay gudidii qaban qaabada ururku waxba kama oga shirkaas.

Maxamed Cabdi Curad oo ah Guddoomiye ku xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa bayaamiyay in ay gacanta ururka kula jiraan wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka maaliyada kuwaas oo dabada ka riixaya sida uu sheegay in gacanta uu u galo ururku xukuumada. Maxamed isaga oo arrimahaasi ka hadlayana,waxa uu yidhi “Waxaanu saxaafadii nadooratay u sheegaynaa,waxaanu bulshda u sheegaynaa in ururkii madax banaanaa ee SOLJA xukuumadu burburisay, xoogna lagula wareegay, xalay oo u danbaysayna wasaarada warfaafinta dhexdeeda lagu qaybsanayay cidii laga dhigilahaa guddoomiyaha ku xigeenkiisa iyo xog-hayaha, xukuumadda lafteedu kuma wada eedaysna,waxaana ku eedaysan wasiirka warfaafinta iyo wasiirka maaliyada suurta galinta inqilaabkan”.

Guddoomiye ku xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja waxa uu sheegay in xoriyatul qawlkii saxaafada lagu soo duulay,ururkii ay mih-nadlayaasha saxaafada aas-aasteena la baabiiyay xoogna xukuumada kula wareegtay. Mr Curad isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Shirka bari dhacaya waxaanu suxufiyiinta Somaliland ee madax banaanida ku shaqeeya u sheegaynaa meel kasta oo ay joogaan in shirkaas dhacaya bari aanu ahayn shirkii solja ee yahay shir ay wada wadaan ururka SONSOF iyo wasaarada warfaafinta Somaliland,waxa kasoo baxaana maaha wax xalaal ah ee waa wax xaraan ah oo xukuumadu siisamaysatay,hadaanu nahay hogaankii ururka ugu danbeeyey waxaanu leenahay ururkii solja waa lagu soo duulay waana la baabiiyay shirka barina maaha shir ay saxaafada madax banaani leedahay”.

Sidoo kale Aadan Cabdi Ciidle oo ka mid ahaa gudidii qaban qaabada ee iska casishay shirka ayaa sheegay in shirkan bari ay asteyeen wasaarada warfaafintu uu yahay mid afduub ah oo saxaafada madaxa banaan lagu majaro habaabinayo xukuumadu gacmaha kula jirto,waxaana uu haay’addaha xuquuqda u dooda iyo asxaabta mucaaradkaba usoo jeediyay in maanta albaabada loo laabay ururkii u doodi jiray arimaha saxaafada madax banaan ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews Najax Aadan Cunaaye oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gudida qaban-qaabada shirwaynihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa iftiimiyay in maanta halka uu taagan yahay ururku yahay halkii ugu ayaanka darnayd,waxaana uu sheegay shirka ay bari qabsanayaan aanu noqon doonin mid saxaafada madaxa banaan u cuntama.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu dib u xasuusiyay hadaladii uu ka odhan jiray markii uu ahaa tafatiraha Saxansaxo saxaafada madax banaan marka la xidho. Najax Cunaaye isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu si kooban u yidhi “Wasiir Cukuse waxa uu odhan jiray markii uu ahaa tafatiraha Saxansaxo saxaafada waa beed hadii sidaas loo qabtana way burburaysaa lakiin maanta waxaanu leenahay isagu wuu ku joogsaday saxaafadii”.SAM_6294.JPG

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS