haatuf.net
Xoghayihii Guud Iyo Guddoomiye Ku Xigeenkii Ururka SOLJA Oo Shil-Baabuur Ku Dhaawacmay
December 25, 2014 - Written by Admin Two

Curad1Dhaawaca Suxufiyiintan Ayaa Lagu Dawanayaa Imika Cisbitaalka Al-Xayaad Ee Magaaladda Hargeysa

Berbera, health December 25, asthma 2014 (Haatuf) – Xoghayihii guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, viagra sale Gudoomiye xigeenkii ururkaas Maxamed Cabdi Curad iyo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa maanta ku dhaawacmay Shil baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaaladda Berbera.

Xubnahan dhaawacyadu soo gaadheen oo markii hore loola cararay cisbitaalka guud ee magaaladda Berbera, ayaa markiiba degdeg loogu soo qaaday magaaladda Hargeysa, kuwaas oo wakhtigan lagula tacaalayo dhaawacooda Cisbitaalka AL-XAYAAD ee caasimadda.

Shilkan ayaa dhacay abaaro duhurnimadii maanta, iyadoo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur oo dhaawac fududi soo gaadhay warbaahinta u sheegay inuu u dhacay si kadis ah islamarkaana uu ahaa mid qadar Alle ku dhacay.

Waxaana saddexda suxufi ugu culus dhaawac shilkaa ka soo gaadhay Xoghayaha guud Mr Maxamed Rashiid oo isaga sida la sheegay madaxa iyo dhabarka uu dhaawac kasoo gaadhay, kuwaas oo aan ilaa imika wax natiijo ah iyo sida ay wax u qabaan aanay shaacinin dhakhaatiirta dawaynaysaa.

Wixii ka soo kordha Shilkaas iyo hadba halka ay xaalada masuuliyiintaasi halka ay marayso kala soco Haatuf.net.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS