haatuf.net
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Qaabkii Loo Afduubay Shirweynihii 5-aad Ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA
December 28, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, order December 28, asthma 2014 (Haatuf) – Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland ayaa saluug wayn ka muujiyay qaabkii loo doortay hogaanka cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, cough isla markaana waxay ku eedeeyeen shirweynihii 5aad ee ururka SOLJA inay xukuumadda Somaliland soo faro-gelisay oo ay qabanqabadiisa kaalin laxaad leh ku lahayd.

Sidaa waxay ku sheegeen war-murtiyeed ay soo saareen difaacayaasha xuquuqda aadamaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Haatuf. Qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“1-Shirkii ka qabsoomay Hotel Ambasador 25/12/2014 wuxuu ahaa mid gebi ahaanba aan waafaqsanayn shurucdii u taalay ururka,dastuurka waddanka,iyo nidaamka cadaalada ee ku dhisan habka talo-wadaaga iyo is qancinta.

2-Difaacayaasha xuquuqda aadanuhu baadhis iyo daba gal ka dib waxa u soo baxday in uruka SOLJA hogaankiisu iyagoo midaysan ay dib ugu dhigeen shirweynaha uruka inuu qabsoomo bisha February ee sanadka fooda inagu soo haya,go’aankan oo dhamaan daneeyayaasha iyo xubnaha urukaba la gaadhsiiyey.

3-Difaacayaasha xuquuqda aadanaha waraysiyo iyo daba gal dhinacayo kala duwan,iyadoo la dhawrayo nidaamka dhex-dhexaadnimada waxa u soo baxday in shirkan shalay qabsoomay lagu abaabulay waqti ka yar 48 sacadood gudohood,taas oo xataa aan fursad la siin gudidii fulinta inay talo ku yeeshaan hadiiba xitaa la bedelayo xiligii hore ee shirku cayinaa.

4-Difaacayaasha xuquuqda aadanaha waxay xog sugan ku heleen inay jirtay fara gelin saraakiil ka tirsan xukuumada ay qayb ka ahaayeen qaban qaabinta iyo isku duba ridka qabsoomida shirka shalay dhacay,fara gelinta saraakiisha ayaa isugu jirtay hadalo iyo kulamo lala qaatay dhinacyo loo arkayey inay taageero ka geysan karaan qabsoomida shirka,cadayn buuxdana waxa arinkan u noqtay heerkii ay shirka kaga qayb galeen wasiir xigeenka warfaafinta iyo hogaanka sare ee xisbul xaakimka Kulmiye.

5-Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayaa baadhaya isla markaana ku daba jira eedo loo jeediyey dad jagooyin sare ka haya xukuumada kuwaas oo iyagana wax laga saaray inay qayb ku lahaayeen fara gelinta arimaha Ururka SOLJA.

6-Kormeerayaasha xuquuqda aadanaha waxay soo diiwaan geliyeen in shirka shalay qabsoomay ahaa mid lagu shaacinayay go’aamo meel madasha ka baxsan lagu soo gaadhay.

7-Shirka shalay qabsoomay muu lahayn hab raac ajendaysan oo loogu tala galay in ergooyinka ka qayb gelayaa ku dhiiban karaan rayigooda ay ka qabaan arimaha kala duwan,waxana arintan qayb ka qaadanaysay mudada shirka loogu tala galay oo ahayd saacado kooban.

Mowqifka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha:-

1-Anakoo ka duulayna mabda’a talo wadaaga,is qancinta,ku dhaqanka waxa lagu heshiiyo iyo guud ahaan dhawrista ururada bulshadu wada leedahay waxanu halkan ku sheegaynaa in shirkaa shalay qabsoomay yahay mid baal marsan habkii iyo sharciyadii ay ahayd in la waafajiyo qabsoomidiisa.

2-Waxanu ugu baaqaynaa hogaanka ururka SOLJA inay ka fogaadaan wax kasta oo ururka u horseedaya burbur,isla markaana ay hir geliyaan go’aankii ay ku sheegeen in shirweynaha ururku qabsoomayo bisha 2aad ee sanadka fooda inagu soo haya,kaas oo dhamaan ay u heelan yihiin daneeyayaashu inay taageeraan,maada oo uu yahay go’aankii aad wada saxeexdeen idinkoo midaysan.

3-Waxanu ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland inay faraha ka laabtaan,talaabo kasta oo lagu saqiirinayo,baabinayo isla markaana wiiqaysa sumcada uruka SOLJA ku leeyahay bulshada dhexdeeda,mandaqada iyo guud ahaan dunida.

4-Suxufiyiinta Somaliland ee mihnada ku jira waxanu u soo jeedinaynaa inay ka fogaadaan wax kastoo kala dhantaalaya midnimada iyo wada jirkooda,isla markaana ay u fahmaan in ururka SOLJA yahay hanti ay leeyihiin oo mudan in la wada ilaashado.

5-Si looga dheeraado caqabado ku yimaada wada shaqaynta ururka SOLJA la leeyahay hay’adaha taageera waxanu ugu baaqaynaa shaqaalaha xarunta dhexe ee ururka in aanay waxba kaga dhaqmin waxyaabaha ka soo baxay shirkii qabsoomay 25/12/2014,kaas oo lagu murmay qabashadiisa,inta ka horaysa bisha 2aad ee sanadka soo socda hadii ilaahay idmona ay hawshooda u sii wadaan si waafaqsan nidaamka xiliga kala guurka ah ee urur kastaa maro

6-Ururada Bulshada Rayidka ah waa inay qaataan door dhex-dhexaadnimo isla markaana aanay raacin wax u danaynaya dhinac keliya ee ay isku soo jiidaan hadiiba khilaaf soo dhex galay uruka SOLJA”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS