haatuf.net
SONYO Oo Taariikhda Markii Ugu Horraysay Hogaan Cusub U Dooratay Guddoomiye Iyo Ku Xigeen Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Sool+Daawo Sawiradda
December 30, 2014 - Written by Admin Two

“Kalsoonida Aad Na Siiseen Waxa Ay Muujinaysaa Wax Wada Lahaanshaheena. Taariikhda Cusub Ee SONYO Samaysay Waa Milgo Taariikhda Galaya Waxaanan Ku Dadaali Doonaa In Aan Xubnaha Maqan Keeno” Guddoomiyaha Cusub Ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali

Hargeysa, health December 30, doctor 2014 (Haatuf) – Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa markii ugu horraysay taariikhda SONYO waxa maanta Hogaan cusub loogu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku Xigeen ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool, Kulan ballaadhan oo ka dhacay Hoolka cusub ee shirarka xarunta Dhexe ee Dalladda SONYO.

Shirweynaha 7aad ee dalladda heer qaran ee SONYO oo muddo lab maalmood ah ka socday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa ka soo qayb galay aqlabiyadda ururada ay ka kooban tahay dalladda SONYO iyada oo ay madasha doorashada ka maqnaayeen xubno yar, iyada oo ay goob-joog ahaayeen Guddoomiyaha dalladda SONYO iyo Ku Xigeenkiisa iyo badiba xubnaha Golaha Sare ee Lixaad ee xilkoodu dhammaaday.

Aqlabiyadda Ergooyinkii Madasha Hoolka Shirarka SONYO isugu yimid waxa ay ugu horrayn doorteen shir-guddoon ka kooban saddex xubnood kuwaasi oo hawsha shirweynaha kala wareegay Xubnihii Guddidda qabanqaabada oo uu Guddoomiye u ahaa Faysal Muxumed Madar (Qumuj) waxaanay shir-guddoonka shirku sidaa kula wareegeen habsami u socodkii hawsha shirka.  

Ugu Horrayn waxa madasha Doorashada Hogaanka cusub ee SONYO hadalo dardaaran ah ka soo jeediyey Guddoomiyaha dalladda SONYO ee wakhtigiisu dhammaaday Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani kaasi oo xubnaha ergooyinka gobolada Somaliland isaga kala yimid dhammaantood kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u codeeyaan mar walbana wax walba ka hor mariyaan masiirka dalladda SONYO 13-sanadood kadib oo u baahan in la sii dardar galiyo ee aan u baahnayn in carqalad lagu sameeyo maadaama SONYO tahay madashii iyo Milgihii umadda. “Waxaan maanta halkan u fadhinaa oo aan ka sheegaynaa in shirweynihii SONYO ee 7aad gabagabadiisii aan doonayno in aan halkan ku doorano hogaanka labada sanadood ee soo socda. Sharaf weyn ayay ii tahay in aqlabiyaddii dhammaan Gobolada Somaliland ay halkan fadhiyaan. Markii aan eegay Dastuurka SONYO sida uu dhigayo iyo ergooyinka aqlabiyadoodii in ay halkan fadhido waxaan sugayaa sharcinimada hogaanka doorashada halkan aan u fadhino. Dadaaladii SONYO soo gashay iyo wixii horumar ahaa ayaa sharaf noo ah waxaanan hogaanka cusub kula dardaarmayaa in ay halkaa ka sii qaadaan oo dhallinyarada u shaqeeyaan. Annaga ka gole ahaan waxa nugu waajiba in aanu wareejino xilkii iyo taladii aan idiin haynay kuna wareejin doono masuuliyiinta aad soo doorataan”.

Intaa kadib waxa la guda galay in ay ergooyinka madasha fadhiyey doortaan 19-xubnood oo noqon doonta Hogaanka sare ee dalladda SONYO ee Toddobaad ee labada sanadood ee soo socota iyada oo markii ugu horraysay Gobolka SOOL loo kordhiyey xubnaha ay ku lahaan jireen Golaha sare oo dhammaa 2 xubnood doorkana laga dhigay 3 xubnood. Markii shirweynuhu u codeeyey 19 xubnood ee Golaha sare ee SONYO waxa doorasho aanay cidi isla soo sharrixin halkaasi cod aqlabiyad ah loogu doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda Ururada dhallinyarada Gobolka Awdal kaasi oo noqonaya Guddoomiyihii ugu horreeyey ee soo mara SONYO ee ka soo jeeda Gobolka Awdal. Intaa kadib xubnaha la doortay ee Golaha sare sida dastuurka SONYO dhigayo waxa ay iyagu iska dhex doorteen Guddoomiye ku xigeen kaasi oo doorasho aan cidi kula tartamin uu ku guulaystay Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka mid ah Ururada dhallinyarada ee Gobolka Sool gaar ahaan caasimadda Laascaanood, taasi oo noqotay taariikh kadib markii ugu horraysay 13-sanadood oo SONYO jirtay in markii ugu horraysay guddoomiye iyo ku xigeen ak soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool ay hogaanka u qabtaan dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

Guddoomiyaha cusub ee SONYO loo doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay ergooyinka kalsoonida siiyey isaga oo sheegay in uu dadaalkiisa oo dhan isugu gayn doono sidii uu SONYO halka ay maanta taagan tahay uga sii qaadi lahaa. “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno SONYO. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali.

Xasan Siciid oo ka mid ahaa golihii SONYO ee hore ahna xubin ka mid ah aasaasayaasha dalladda SONYO ayaa madasha keenay saddexdii xubnood ee kali ahaa ee ka maqnaa Golaha sare kuwaasi oo ka soo jeeda Ururada Hargeysa. Mudane Xasan Siciid waxa uu sheegay in isaga oo imtixaan xarunmta CSI kaga jira uu maqlay in shirkii sidan u dhacayo maadaama aqlabiyaddii sifo sharci ah isku raacday in badana uu xog ogaal u ahaa SONYO uu soo dhammeeyey xubno saddex ah oo Hargeysa ka dhinaa ahna xubnihii maqnaa kuwaasi oo sidaa ku buuxiyey dhammaanba tiradii Golaha sare ee SONYO.  

Intaa kadib Guddoomiyaha xilka ka tagaya Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani oo hadalo dardaaran iyo hogo tusaalayn ah madasha doorashada ka soo jeediyey ayaa hogaanka cusub kula dardaarmay in ay dadaalkooda oo dhan isugu geeyaan sidii ay dalladda halka ay maanta taagan tahay uga sii qaadi lahaayeen isaga oo u duceeyey in ilaahay ku asturo xilkaa ballaadhan ee ay u qaadeen dalka iyo dadkoodaba.

Si kastaba ha ahaatee sida dastuurka dalladda SONYO dhigayo muddo 30 maalmood ah kadib ayuu Guddoomiyaha cusub Md. Siyaad xilka kala wareegi doonaa Guddoomiyaha Hore Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS