haatuf.net
Alle ha u naxariistee Maydkii Xoghayihii SOLJA Marxuum Maxamed Rashiid Oo Maanta Hargeysa La Keenay Iyo Jawigii Aas-Qaran Oo Aan Loo Kala Hadhin Oo Loogu Sameeyey Xabaalaha Xeedho
December 30, 2014 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, pills December 30, 2014 (Haatuf) –  Alle ha u naxariistee maydkii xoghayihii ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax  Caalim oo habeen hore ku geeriyooday magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta la keenay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay boqolaal qof oo ka mid ah axsaabtiisii, ehelkiisii iyo guud ahaan qaybaha warbaahinta Somaliland ku sugayeen madaarka caasimadda ee Igal International Airport oo diyaaradii siday ay abaaro 11:30:00 ay soo cago-dhigatay.

Waxaana maydka Marxuumka madaarka ka soo galbiyey boqolaal gaadiid ah oo u soo galbiyey ilaa xabaalaha Xeedho ee waqooyiga Hargeysa oo aas-qaran oo aanay bulshadda Somaliland u kala hadhin loogu sameeyey, kaas oo laga dheehan karayey miisaanka iyo milgaha uu ku dhexlahaa marxuumkaasi mujtamaca Somaliland oo aan u kala hadhin aas-kiisa.

Haatuf.net kala soco goordhaw warka aaska Marxuum Maxamed Rashiid oo daawasho ah iyo sawiradda aaskaba.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS