haatuf.net
Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Geeridii Naxdin Lahayd Ee Ku Timid Xog-hayihii Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA
January 3, 2015 - Written by Admin Two

Nairobi, clinic January 3, sale 2015  (Haatuf) – Masuulka ugu sareeya Xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay Somaliland, Gavin Roy, ayaa sheegay in warka geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xoghayihii Guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) mid shoog ku riday, isla markaana ay aad uga nixisay, isagoo Marxuum ku tilmaamay qof dantiisii shakhsiga ahayd uga hadhay inuu u halgamo sidii Somaliland u heli lahayd Saxaafad ama Warbaahin tayo leh.

gavin coy Mr. Gavin Roy waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu u soo diray Guddoomiye ku-xigeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Cabdi Curad, isagoo sheegay inuu bahda SOLJA iyo dhammaan warbaahinta madaxa banaan ka tacsiyadeeyay geeridaas naxdinta leh.

“Waxaan maqlay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed-Rashid Muxumed Faraax oo maanta (Isniin 29/12/2014) ku geeriyooday magalada Nairobi ee dalka Kenya, warkaas geerida oo ahaa kii iigu naxdin badnaa ee aan maqlo, shoogna igu riday,” ayuu Mr. Roy ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu raaciyay “Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan oo had iyo jeer u halgami jiray sidii Somaliland u yeelan lahayd Saxaafad tayo leh, isagoo dantiisa gaarka ah uga tegay, waxaanan aad ugu faraxsannahay muddadii aan la shaqaynayey.” Masuulkan Xafiiska Qaramada Middoobay ee Somaliland, waxa uu tacsi u diray bahda SOLJA, qoyska iyo dhammaan saaxiibadii Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, waxaanu yidhi: “Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan kooxda Qaramada Midoobay ee ka hawl-gasha Somaliland, waxaanu tacsi qalbiga ka soo go’day ugaga tacsiyadaynaynaa geerida Maxamed-Rashiid, bahda SOLJA, qoyskii Maxamed iyo dhammaan saaxiibadiisii. Runtii Maxamed-Rashiid waa mid aynu dhammaanteen wada-tebi doono.” Waxa kale oo uu Mr. Gavin Roy ka xumaaday maqnaanshihiisa aanu fursadda u helin inuu ka qayb-galo aaskii Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, waxaanu yidhi: “Runtii wakhti-xaadirkan waxaan ka maqanahay Hargeysa, iyadoo aan jeclaan lahaa inaan ka qayb-galo aaskii Maxamed-Rashiid si aan ugu muujin lahaa ixtiraamka aan shaqsiyan u hayey.” Ugu dambayntii Mr. Gavin Roy, wuxuu guddoomiye ku-xigeenka SOLJA iyo xubnaha kale ee SOLJA iyo qoyska Marxuumkaba u rajeeyay inay ka gudbi doonaan xaalad adag ee ay ku keentay geerida Xoghayihii Guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo sheegay inuu si dhakhso ah uu ula kulmi doono sannadka cusub.gavin-coy

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS