haatuf.net
Magaaladda Hargeysa Oo Si Wayn Looga Xusay Dhalashadda Nabigeenii Suubanaa (NNKH) , Daawo Sawirada Munaasibadii Maanta
January 3, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, order January 3, health 2015 (Haatuf) – Magaaladda Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland ayaa maanta si balaadhan looga xusay xuska dhalashada nabigeenii suubanaa ee Muxamed (NNKH), waxaana munaasibad balaadhan loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa soo qana-qaabiyey Jamciyatul Axbaab Iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mida Xildhibaanada Aqalka golaha Wakiilada Somaliland.

Waxaana munaasibada maanta ee xuska Rasuulka (SCW) ka soo qaybgalay kumanaan Dad weyne  kala duwan oo isugu jira Culimo awdiinn aad u tiro badan, Siyaasiyiin Iyo Waliba Marti sharaf aad u tiro badan.

Ugu horayn wax halkaa ka hadlay Sheekh C/raxmaan Aw faarax oo isagu ka socday wasaarada diinta iyo awqaafta  Somaliland, waxaanu yidhi  “Axbaabta Rasuulka ee halkan isugu timi dhamaantiin waxaan idin leeyahay nabad galyo kor kiina ha ahaato salaam ka dib goobaha ama xafladaha caalamka la iskugu imaado ta ugu fadliga badani waa tan.

Ilaahay ayaa fadligii Rasuulkeena Subaanaa (N N K H ) inooga waramay kuwa ka soo hor jeesta hoog iyo halaag ayay la kulmi donaan kuwa raacaan kitaabka ayay midigta ka qaadan doonaan”.

Sidoo kale waxa halkaa  hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sh Cali Ayaanle “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N N N K) hadab waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maah markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagan”.

Dhinaca kale waxa halkaa ka hadlay Siyaasi  Aadan Ruush Oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland ”Kolay culimadaa dhamaysay oo anagu waxba kama daba odhanmaynee anaguna waxa aanu leenahay waa in aynu u dhago nuglanaa waynaynbta Xabiibkenii (N N K H) Laakin mid aan siyaasad-sanyin anyaan xukuumada u sheegayaa maanat wax jiro iskuulo ama jaamacado la dhiganayo kuwaan waa in waxa laga qabtaa waayo xeerkeenu waxa uu leeyahay dhamaan dalku waa fasax.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Daakhiliga Mr Warancade, waxaanu yidhi “Mudanayaal culimo owdiin jiilak cusub ee halkan fadhiya eek u ababay diinta islaamka dhamaantiin Salaamu alaykum  Waa ilaahay mahadii waxa maanat isugu nimi dhalasha waynaynta xabiibkenii Subanaa  oo waxa makhraati ah in dhamaanteen muxubo iyo kalgacal u qabno Rasuulkeenii Subanaa  waayo inteenaas oo qof ayaa halkaa isugu yimi iyagoo ka go’antay in aan waynayno.

Ugu danbayn waxa munaasibadaa ka hadlay musharax madaxweynaha ee xisbiga muwaacidka ah ee  UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kaas oo ku dheeraaday qiimaha maalintan la xusayo ee dhalashadda Nabiga (NNKH), waxaanu u mahadnaqay cidkasta oo ka qaybqaadatay xuska maalinta Mowliidka Nabigeenii Suubaanaa ee Muxamed (NNKH).

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS