haatuf.net
Cali Waran Cadde; Wasiir Damaca Wiilkiisa Ku Bakhtiinaya Iftiinka Da’yarta Somaliland! Faallo: Cabdiraxmaan Yuusuf Guuleed
January 4, 2015 - Written by Admin Two

Dalladda ururrada dhallinyarada Somaliland ee (SONYO) ayaa waxay toddobaadkii hore qabsatay shirweynihii 7-aad, and kaasi oo la doonayey in lagu soo doorto hoggaanka cusub ee labada sanadood ee soo socda, prostate maadaama oo hoggaankii hore ee Mubaarig Ismaaciil Taani guddoomiyaha u ahaa wakhtigu ka dhamaaday.

Laakiin maalintii labaad ee shirkaasi soo xidhmi lahaa marka lagu doorto hoggaanka cusub ayaa waxa ka dhex qarxay khilaaf xoog leh, order kaasi oo salka ku haya qofka noqonaya Guddoomiyaha SONYO ee labada sanadood ee soo socda, waxaana khilaafkaasi uu si toos ah uga dhexeeyay Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ku loolamayey in loo doorto Guddoomiyaha SONYO iyo Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda gobolka AWDAL.

Shirweynaha 7-aad ee SONYO oo ay ka qayb-galeen ilaa 120 ergay oo ka kala socday ururrada ka dhisan gobollada Somaliland ee SONYO hoos taga, ayaa dhammaantood ku kala qaybsamay cidda loo dooranayo Guddoomiyaha, taasina waxay sababtay in doorashada guddoomiyaha dib loo dhigo muddo hal maalin ah, si khilaafka loogu soo dhameeyo dibadda.

Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda Gobolka AWDAL ayaa markaasi ka dib ay guddoomiyaha SONYO u doorteen in ka badan 76 ergay oo ka mid ah 120 kii shirweynaha ka qayb-galay, iyada oo ku xigeenna loo doortay xubin ka soo jeeda gobolka SOOL, si loo sameeyo dheelitirnaanta dalladda heer Qaran ee SONYO.

Hasa-yeeshee, doorashadaasi ka dib waxa khilaaf ka deba keenay Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sida muuqata ay taageersanaayeen tiro aad uga yar inta dooratay Siyaad, waxaanu Cabdicasiis uu shir ku xumayn ah ku qabtay huteelka Dalxiis ee Hargeysa, isaga oo taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ba ka helaya Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Md. Cali Maxamed Waran Cadde oo u ah Adeer isla-markaana uu dhalay Inaadeerkii.

Wasiir Waran cadde, oo markii hore dusha kala socday khilaafka SONYO ee ka dhashay damaca wiilka uu adeerka u yahay, ayaa markii talo faraha ka baxday isla-markaana Cabdicasiis Xirsi lagaga awood batey shirweynihii dalladda SONYO si toos ah dhaqaale ula barbar istaagey, si aanay u dhaqan gelin doorashada Siyaad iyo ku xigeenkiisa oo haysta kalsoonida aqlabiyadda ergooyinkii shirweynaha 7-aad.

Faro-gelinta siyaasadeed ee Wasiir Cali ku sameynayo arrimaha dalladda SONYO oo u muuqanaya in damaca wiilkiisa uu doonayo inuu awood ku hirgeliyo, ayaa waxa ka cadhooday, aadna uga xumaaday dhallinyarada isha haya hawlaha SONYO, kuwaasi oo ku baaqaya inaan la siyaasadeynin danaha dhallinyarada Somaliland ee SONYO wakiilka ka tahay.

Waxaana durba bilaabmay dhaqdhaqaaqyo ay dhallinyarada beesha Wasiir Cali ku doonayaan inay ku taageeraan doorashada Siyaad iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo aamisan in doorashadaasi oo lagaga guuleystay Musharaxoodii ay haneeyaan, una hambalyeeyaan xubnaha aqbaliyaddu dooratay.

Cabdiraxmaan Yuusuf Guuleed

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS