haatuf.net
“Tabashudu Wax Jira Ayay Ahayd Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Jawaabtaa Aad Ka Bixisay Maaha Jawaabtii Ku Haboonayd”Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka UCID C/Rashiid Xasan Mataan
January 4, 2015 - Written by Admin Two

Boorame, doctor January 4, 2015 (Haatuf) Musharaxa Madaxweyne KuXigeenka Xisbiga  Ucid  C/rashiid Xasan Mataan ayaa maanat mar uu shir jaraaid ku qabtay magaalada boorama ee xarunta Gobalka Awdal waxa uu ka hadlay dhinaca kumishanka doorashooyinka Qaranka.

C/rashiid Xasan mataan waxa u hadalkiisii Ku bilaabay “Gudida doorashiiyinka Qaranka oo xilkii la wareegay mudo ku siman bil ka horay,dagdagsiyaha ay lahayid darted beeshii aalamkee inaga caawinaysay maalintii ay xilka la wareegeen maalintii ku xigetaya waxa ay u qaadeen tooba bar ay ku maqnayeen in ku dhow laba wiig,oo ay imikan ka soo noqdeen in ku dhow sadex weeg ka hor.

Waxaan sheegayaa ilaa hada waxa dhaqdhaqaaq ah iyo waxa talo ah oo ay axsaabta ugu yeedheen aanu jirin, waxaan xasuusiyanayaa wakhtiga doorashooyinku in uu cidhiidhi yahay waxaan xasuusinayaa in ay lagama maarmaan tahay in ay ka how galaan howshii loo soo doortay iyo wixii kaga xidhan axsaabta ay kala tashadaan.

Waxaan aan ku sugaynaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ay nugu yeedhaan oo aan wakhti kaloo badan naga sii lumin”sidoo kale C/rashiid Xasan Mataan wax uu ka hadlay xaalada gobalka Awdal iyo arinta Suldaan Wabar xukuumadan ugu baaqay in suldaanka loo fidiyo gogol nabadeed  ‘xukuumada waxaan leeyahay wax nabad galyo daro ah oo ciidamo lugu xojiyaa ma yaalaan gobalka suldaanka baxayna in arinkiisa loo dhiibo guurtida ayaan soo jeedinayaa loona fidiyo gogol nabadeed.

Tabashadu waxa jiray ahayd waxa madaxtooyada dhexdeeda lagag hadlay ayaa ay ahayd waan wax wali jawaabteedii la helin oo taagan weeye Madaxweynaha waxaan jeclay jawaabtaa uu ku bixiyay in aan ayin tii meesha taalay suldaanka in loo furo gogal nabadeed oo guurtidu kow ka tahay  ayaa ku soo gunaanadayaa hadalkayga . Source:Hadhwanaagnews.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS