haatuf.net
Wasiirka Duulista Oo Bilaabay Cashuuro Cusub Oo Sharciga Baalmarsan Oo Jeebkiisana Ku Dhici Doona Iyo Maamulaha Madaarka Hargeysa Oo Faahfaahiyey
January 5, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra January 5, 2015 (Haatuf) – Maamulaha Madaarka Hargaysa Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shir jaraaid oo uu qabtay faahfaahin kaga bixiyay war ku saabsanaa cashuur loogu wanqalay (security tax) oo dhan $21.

Maamulaha Madaarka ayaa ku sheegay shirkiisaa jaraa’id inay wax ka bedel iyo dib u habayn ku sameeyeen cashuurta ay ka qaadaan rakaabka dayuuradaha ee isticmaala Madaarada dalka. Waxaanu ku nuux-nuuxsaday inaanay jirin haba yaraatee wax cashuur ah oo la kordhiyay.

Maamuluhu wuxuu sheegay in markii hore rakaabka laga qaadi jiray $30 markuu dalka soo gelayo iyo $30 markuu baxayo taasoo wadarta guud ka dhigaysa $60. Maamuluhu wuxuu sidoo kale xusay in rakaabka laga qaadi jiray lacag dhan $10 oo amaanka Madaarka ah isla markaasna ah cashuuraha tacaariifta Madaarka iyo $3 oo service ah lagana qaadi jiray rakaabka markay soo degayaan iyo marka ay dhoofayaanba oo Baarlamaanka laga ansixiyay.

Haddaynu soo koobno nuxurka shirka jaraaid, Maamuluhu wuxuu ku macneeyay $30+$30=$60 inay tahay lacagta dal ku galka (visa entry).

Sida uu wax u sharxay haddaynu raacnona $3+$3=$6 inay tahay khidmada Madaarka (service). Sidoo kale $10 inay tahay cashuur xagga amaanka ama security tax ah. Wadarta isugaynta lacagtan dambe ayaa noqonaysa $16. Maamuluhu sida ku cad warbixintiisa wuxuu sheegay inay lacagtan dambe mideeyeen isla markaasna shirkadaha dayuuraduhu u qaadi doonaan.

Haddaba isagoo Maamuluhu ku mahadsan inuu arrinkan bulshada wax uga iftiimiyo haddana waxaa jira arrimo badan oon kala cadayn sida;

1) Shirkadaha dayuuraduhu waxay macaamiishooda u sheegeen inay tigidh kasta oo ay jaraan ku darayaan $21 oo security tax ah qof yar iyo qof waynbana laga qaadayo.

Halkaa waxaa ka soo baxaya faraq ah $21-$16=$5. Markaa $5 sharaxaad bay u baahan yihiin.

Teeda kale $60 ma waxaa keliya laga qaadayaa qofkii ka wayn 15 jir siday awal ahayd mise macaa carruurta waa laga qaadaya. Taasina ma kala cadda.

Cashuurtii hore iyo tan hadda uu Maamuluhu sharaxaada ka bixiyay waxay noqonaysaa sidan hoose, halkaas ayaanay ka caddaanaysaa inuu korodh jiro iyo in kale.

Cashuurtii hore loo qaadi jiray;

$44 gelitaanka iyo $33 bixintaanka, wadarta guud $77. Warbixinta Maamulaha Madaarka haddii aynu raacno waxaa jiraya $1. Ma cadda cidda qaadan jirtay halkaa dollar. Laakiin rakaabka waxaa laga qaadi jiray lacagtaas aan kor ku xusnay ee ah $77 in total.

Cashuurta hadda la ogaaday een maanta ka hor aan Wasaaradu shaacin;

$60 oo ah dal ku galkii oo la mideeyay iyo $21oo ah khidmadii Madaarka iyo cashuurta amniga (airport security tax) oo la mideeyay. Wadarta isugaynta guud waxay noqonaysaa $81.

Su’aashu waxay tahay halkaa korodhsiimo ma ku jirtaa mise kuma jirto. Muwaadin adigaanu kuu adeegnaa, su’aashaasna adigaan kuu dhaafaynaa.

2) Sida shirkadaha dayuuraduhu ku wargeliyeen macaamiishooda waxay cashuurtan cusubi hirgashay laga bilaabo 01/01/2015. Maxay maanta ka hor dadka ugu soo bandhigi wayday Wasaarada Duulista Hawadu?

3) Maamuluhu wuxuu sheegay in cashuurtan uu golaha Baarlamaanku ansixiyay, goorma?

Shabakada Qarannews waxay xaqiijinta arrinkaas ka dalbadeen Golaha Baarlamaanka.

Waxaa haboon in Wasaarada Duulista Hawadu si fiican oo hufan shacabka ugu iftiimiyaan arrimahaasi aanu kor ku xusnay iyo wixii su’aale kale ah ee shacabku qabaanba. Source: Qarannews.com.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS