haatuf.net
Xubnihii Xukuumaddu U Cumaamaday Hogaanka SOLJA Oo Maanta Xilka Lagu Wareejiyey Xili Tacsidii Xoghayihii Ururkaas Loo Fadhiyo
January 7, 2015 - Written by Admin Two

Sidoo Kale dhaqdhaqaaqyo lagu Yagleelayo Urur ay ku  midoobaan suxufiyiinta Somaliland Oo Goboladda dalka Laga Waddo

 

Hargeysa, sale January 7, doctor 2015 (Haatuf) – Xubnihii ay xukuumadda Siilaanyo u gacan-galisay hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ee dhawaan iskood iskugu cumaamaday inay noqdaan hogaanka ururkaasi ayuu maanta xilkii ku wareejiyey guddoomiyaha xilku ka sii dhamaanayo ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isagu gacan-saar la leh Madaxtooyadda Somaliland.

Xasan Maxamed Yuusuf ayaa aqbalay inuu tafatiraha wargeyska Waaheen Mr Xuuto xilka ku wareejiyo xili loo fadhiyo tacsidii Xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Rashiid Muxamed Faarax oo isagu 29-kii bishii hore ku geeriyooday magaaladda Nairobi oo xaalad caafimaad loo geeyey isla markaana 30-kii isla bishaa December lagu aasay magaaladda Hargeysa.

Xafladan xil-wareejinta oo maanta ka qabsoontay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa  ayaa ahayd mid ay soo camireen wariyeyaasha  hay’adaha warbaahineed ee dawladda ka hawlgala, erectile taas oo aanay ka soo xaadirin dhamaan suxufiyiintii iyo maamulayaasha hay’adaha warbaahinta ee madaxbanaan.

Sidoo kale suxufiyiinta ugu firfircoon warbaahinta madaxabanaan iyo guud ahaa kuwa gobolada dalka ayaa iyagu qaadacay shirkii lagu doortay hogaankan maanta xilka lagu wareejiyey oo xubno ka mid ahi ay u shaqeeyaan xukuumadda Siilaanyo, kuwaas oo aan lagu aamini-karin hogaaminta ururka suxufiyiinta Somaliland.

Dhinaca kale waxa socda dhaqdhaqaaqyo laga wada dareemay guud ahaan goboladda dalka oo dhan taas oo lagu qorshaynayo in la sameeyo urur kale oo ka madaxbanaan xukuumadda oo isagu matala dhamaan saxaafadda Somaliland oo dhan mid muxaafid ah iyo mid mucaarid ahba.

Xil wareejintii sharci-darada ahayd

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS