haatuf.net
Hogaankii Hore Ee SONYO Oo Been Abuur Ku Tilmaamtay Warqad Uu Xubin U Tartamaysay Guddoomiye-Nimadda Daladdaasi U Gudbiyey Hay’adaha La Shaqeeya
January 8, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cough January 8, 2015 (Haatuf) – Guddoomiyaha wakhtigu ka dhamaaday ee dallada heer Qaran ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay Warqad been abuur ah oo uu sheegay inuu hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin u qoray Cabdicasiis Xirsi Warsame oo u tartamay Guddoomiye-nimada SONYO.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran isla markaana nuqul ka mid ah HAATUF soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Uj: Caddeyn iyo Dedefayn Warqad Been Abuur ah

“Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go’do: Warqada Fooljariga ah ee uu qoray Cabdicasiis Xirsi Warsame waa Fal-dambiyeed iyo Jariimad culus oo ka dhan ah Sumcadda iyo Xuquuqda SONYO, Sida ku cad Dastuurka Dallada SONYO, qoddobkiisa 8aad, farqradiisa 5 mar ayaa la qabtaa Shir-weynaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO. Shir-weynihii 7aad ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa uu u dhacay si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta u dagsan Dallada. Sidaas daraadeed, xil-wareejinta Guddoonka cusubi waxay dhici kartaa muddo bil ah gudaheed ayay ku dhacaysaa, taariikhdaas oo ku eeg 31ka January 2015. Inta ka horaysa muddadaas, waxa xilka haynaya hoggaankii Golaha 6aad ee la doortay December 28, 2012-kii kaasoo aan annigu guddoomiye u ahay.

Haddaba waxaa la yaab ah isla markaana ayaan-darro iyo wax laga yaxyao ah Warqadda been abuurka iyo fooljariga ah ee uu qoray isla markaana uu qaybiyay Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa musharax dhowaan u tartamay guddoonimada SONYO kana tirsan Golaha Sare ee 7aad ee cusub. Sidaas darteed, waxa aan halkan ka cadaynayaa in warqadii qadafka iyo meel-ka-dhaca ahayd ee dhowaan loo qaybiyey saxaafada dalka. Marka kale, ayaan si rasmi ah u caddaynayaa in Warqadaasi tahay mid been abuur ah oo si badheedh ah looga gol lahaa in lagu burburiyo laguna hagar-daameeyo sumcadda iyo karaamada Dallada SONYO.

Waa xaaraan iyo gaf qaanuuni ah in suuqa laga soo samaysto shaambad xafiis dhisan kaasoo leh hawl-wadeeno igman oo shaqeynaya iyo hoggaan muddo xiliyeedkiisu wali dhammaan. Haddaba Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ah shakhsiga qoray Warqadaas been abuurka ah kuna kacay fal-dambiyeedkan budhcadaysani waxa uu faraha kula jiraa dambi cad. Fal-dambiyeedkan waxaa lagu xalin doonaa qawaaniinta iyo shuruucda la xidhiidha dambiyada been-abuurka iyo foojariga ee JSL, sida Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Hay’adaha aan Dawliga Ahayn ee JSL (SL NGO Act).

Waxa aanu ugu baaqaynaa dhammaan hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin Dallada SONYO, daneeyeyaasha arrimaha dhallinyarada JSL iyo Bulshada Caalamkaba in ay fiiro gaar ah u yeeshaan warqadan been abuurka ee dhowaan lagu socodsiiyey warbaahinta maxaliga ah.

???????????????????????????????

Ugu dambeyn, waxaa la yaab leh sida loogu aamini karo Cabdicasiis Xirsi Warsame xil iyo mas’uuliyad xafiis, maadaama looga cabsi qabo inuu sii wado fal-dambiyeedka been-abuurka iyo fooljariga ah ee uu ka qorayo xafiisyada hay’adaha”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS