haatuf.net
Dawladda Somali Oo Digniin U Soo Dirtay Shirkadda Shiinaha Ah Ee Macdan-Qodista Ka Wadda Buuraha Simoodi Ee Gobolka Awdal
January 8, 2015 - Written by Admin Two

Xukuumadda Somaliland Ayaan Wali Ka Hadlin Warkan Amniga Dalka Ka Dhanka Ah Ee Ka Soo Baxay Maamulka Muqdisho

 

Hargeysa, bronchi January 8, asthma 2015 (Haatuf) – War ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Somalia ayaa lagu sheegay inay xaalado amaan darro ka abuurtay gobolka Awdal shirkadda Chiness-ka ah ee halkaasi macdanta ka qodaysa.

Warkan ayaa lagu sheegay in xaalad amaan darro ka jirto gobol ka mid ah Somaliland ayay xukuumadda taagta darran ee Somalia uga digtay shirkadda Shiinaha ah ee ARC inay joojiso hawlaha ay ka hayso deegaanadda galbeed ee Somaliland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda macdanta Somalia ayaa lagu yidhi “Howlaha ARC ay sida sharci-darrada ah uga waddo Somalia waxay abuurtay xasillooni-darro soo wajahday deegaannadaas, sick kadib markii ay boqolaal qof oo meleeshiyaad ah shaqaaleysay si ay u ilaaliyaan shirkadda iyo shaqaalaha howsha u wada, isla markasna ay barakicisay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaankaas”.

Wasaaradda macdanta iyo badroolka u qaabilsan maamulka Muqdisho, ayaa ku doodaysa in xasarado ay halkaas ka abuurayso hawsha macdan baadhista ah ee ay shirkadda Chines-ka ahi ka waddo, iyadoo qoraalkaasi sii wadana, waxa lagu yidhi “Xasarado iyo colaado ka dhaca gobolka Awdal si looga fogaado, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa shirkadda ARC inay si deg-deg ah u joojiso macdan baarista sharci-darrada ah ee ay ka waddo Soomaaliya, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darrada ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa mid nabdoon”.

Waxaa kale oo lagu sheegay qoraalka wasaaradda. “Dowladda Soomaaliya waxay ujeedinaysaa dawladda Shiinaha in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb-qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.”

Hadalkan ka soo baxay Xukumadda Somalia ayaa u muuqda mid waxyeelaynaya Heshiisyadii Somalia iyo Somaliland hore u dhexmaray ee sheegayay In laga fogaado wax kastoo wada hadallada carqalad gelin kara iyo In aan la siyaasadayn deeqaha beni’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ka hadal haba-yaraatee warka ka soo baxay dawladda Somalia ee ay ku sheegtay inay Maleeshiyo-beeleedyo ka soo jeeda gobolka Awdal ay hawlgalisay shirkadda Shiinaha ah ee ARC  ee macan-baadhista ka wadda  buurraha Simoodi ee gobolka Awdal.

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS