haatuf.net
Geeridii Maxamed Axmed Kuluc: Ilayskii Fanka Soomaalida Oo Damay
January 18, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergist January 18, 2015 (Haatuf) – Alle haw naxariisto ee waxa shalay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Maxamed Axmed Kuluc.

Mid ka mid ah dadkii xuddunta u ahaa fanka Soomaalida, Allaha u naxariistee, Maxamed Axmed Kuluc waxa maanta lagu aasayaa Hargeysa. Kuluc oo ku soo jiray fanka Soomaaliya muddo ka badan nus qarni ayaa shalay  ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Agaasimaha cisbitaalku Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa sheegay in fanaanka Kuluc ay neeftu qabatay oo loola soo cararay cisbitaalka, kuna geeriyooday qaybta gargaarka degdega ah. Kuluc wuxuu ka mid ahaa dadkii udub dhexaad u ahaa fanka Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa fanaanka ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland Md., Axmed Maxamed Siilaanyo, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dhambaalo ay soo saareen waxa ay tacsi ugu direen ehelka, qoyska, qaraabada iyo guud ahaan bahda fanka oo ay ka tacsiyeeyeen geerida ku timid Marxuum Maxamed Axmed Kuluc.Kuluc

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS