haatuf.net
Baaq Digniin Xambaarsan Oo Ururka SSJW Hawadda U Mariyey Hay’addaha Warbaahinta Madaxa-Bannaan Ee Somaliland
January 18, 2015 - Written by Admin Two

“SSJW Waxa Uu Hay’adaha Warbaahinta Ugu Baaqayaa Inay Ku  Fara-Adaygaan Madaxbanaanidooda, capsule Kana Feejignaadaan Dabinada Xukuumada” Afhayeenka Ururka SSJW Maxamed Ibraahim Sagax

 

ssjwHargeysa, January 18, 2015 (Haatuf) – Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (SSJW) ayaa ugu baaqay hay’adaha warbaahinta madaxabanaan inay ku fara-adaygaan Madaxbanaanidooda, isla markaana ay ka feejignaadaan dabinada xukuumadu.

Ururka SSJW waxa uu sidoo kale Cambaareeyey talaabadii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo shaqada kaga eriday garsoorihii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee xayiraada ka qaaday Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal, Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac, taas oo ururka SSJW ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah Garsoorka dalka iyo Xuquuqda Muwaadiniinta.

Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (SSJW) waxa uu sidaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu xalay oo saaray kaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Ururka SSJW, Maxamed Ibraahim Sagax, waxaanu u dhignaa sidan:- “Ururka SSJW wuxuu cambaaraynayaa Talaabadii Xukuumada Siilaanyo Shaqada kaga eriday garoorihii maxkamada gobolka Maroodi-jeex, Xuseen Maxamed Jaamac ee xayiraada ka qaaday wargeyska Hubaal, talaabadaasina waxa ay cadaynaysaa sida xukuumada Madaxweyne Siilaanyo cadaaladii, nidaamkii garsoor, madaxbanaanidii saxaafada iyo xoriyatal qawlkii ay ugu tumatay.

Sidaa darteed ururka SSJW waxa uu xukuumada gaar ahaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqayaa inuu si dhakhso ah uga noqdo talaabadaasi sharci darada ah ee shaqada lagaga eryey garsooraha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex oo ummada reer Somaliland ee gudaha iyo dibada ku dhaqan quus ka galiyay nidaamkii garsoor ee dalka.

Ururka SSJW waxa kale oo ugu baaqayaa hay’adaha warbaahinta ee madaxabanaan inay ku fara-adaygaan madaxbanaanidooda saxaafadeed iyagoo ka feejignaanaya dabina iyo dibin-daabyada ay  xukuumadu kula kacayso, meelna uga soo wada-jeedsadaan ficilada cabudhinta iyo faragalinta qaawan ee ay ku kala qaybinayso warbaahintooda madaxbanaan iyo suxufiyiinta ka madaxbanaanba.

Allaa Mahad Leh

Maxamed Ibraahim Sagax,

Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbanaan ee Somaliland.

The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW)”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS