haatuf.net
Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Oo Amaro Ku Soo Rogay Xayeysiiyada Warbaahinta Ay Ku Baahiyaan Bahda Caafimaadku
January 18, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ambulance January 18, anesthetist 2015 (Haatuf) – Gudoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday ayaa warbaahinta kala duwan ee dalka uga digay xayeysiisyada ku saabsan dhakhaatiirta, drugs kuwaas oo uu sheegay inay ka mabnuuceen guud ahaan warbaahinta inay baahiyaan dhakhaatiirta is-xayeysiiyey.

Dr Axmed Xaashi ayaa waxa uu in laga bilaabo 25-ka bishan January wixii ka danbeeya ay sharci-daro tahay inay warbaahinta madaxabanaan iyo ta dawliga ahiba ay xayeysiiyaan dhakhtarada.

Axmed Xaashi Oday, Gudoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka,ayaa sheegay inay muddadaasi ay u qabteen farayaan inaan wixii ka dambeeya la baahin Xayaysiis dhakhtar, iyadoo guddidu 31-da bisha wixii ka dambeeya samaynayso qiimayn islamarkaana ciddii shahaado ka haysata Guddida uun Xayaysiis loo baahin doono.Arrintan ayaa la xidhiidha qorshe guddida mihnadleyaashu ku xaqiijinayaan aqoonta iyo tayada dhakhaatiirta iyo dawada dalka taala. Isagoo arrimahaasi  ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxaanu faraynaa inay Xayaysiiskaa ka daayaan, sababtoo ah qaabka loo xayaysiinayo ayaa xun, tusaale ahaan Ninka Yidhaa Caafimaadka guud baan ka shaqeeya ama Dhakhtar Guud baan ahay ee lagu Xayaysiinayo Dhiig-karka ayuu dawaynayaa,Macaankuu dawaynayaa, waxan kale ayuu dawaynayaa dee wuxuun baa la sarifay Caafimaadkii Guud,loomana baahna in waxaas la sheego”

Axmed Xaashi Oday waxa uu intaasi raaciyay “Wixii la Xayaysiinayo waa in si Asluub leh loo sheego, Waxaanu leenahay laga bilaabo 25-ka Bishan Talaabo sharci ah ayaanu ka qaadaynaa Insha Allah.”Waxaanu farriin u diray Bulshada Dr Oday “Waxaan leeyahay Bulshada Far Kaliyi Fool ma dhaqdo,Aniga iyo Kooxdan yar ee ila shaqaynaysaa Umadda Somaliland oo dhan ma badbaadin karno, haddii aan Umaddu la shaqayn.

Markaa waxaan leeyahay Caafimaadkiina haddaydaan idinku nala ilaalin annagu kaligayo ma ilaalin karo.waxaanu idinka codsanaynaa cid alle ciddaad aragtaan ee adeegga Caafimaadka si xun u fidinaysa waa inaad noo soo Sheegtaan.Dadka Meheraddaha leh waxaan ka codsanaynaa inay noo yimaadaan oo aanu qalabkooda iyo shaqaalahooda la eegno kadibna ay iska furtaan Xayaysiiskooda,xattaa kuwa aan sharciga u siinayno Xayaysiisku maaha sidan hadda wax loo xayaysiisto inay u xayaysiistaan ee waa inay si asluub leh u sheegaan” ayuu yidhi Dr Oday.

Bulshada Somaliland ayaa walaac ka qabtay Dhakhaatiirka iska xayaysiisa Warbaahinta oo inta badan iskugu jira Ajaanib iyo kuwo Somaliland u dhashay.Tayada Dawada iyo Aqoonta Dhakhaatiirta Somaliland ka hawl gala ayaa Bulshadu aad uga dayrisaa inta badan waxaana suuro gal ah Qorshahan Guddida Mihnadleyaashu inay wax ka bedesho Kalsoonida Bulshada.

Dr Axmed Xaashi Oday Oo Arrintan ka baahiya Idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa waxa uu sheegay in cidda u hogaansami wayda arrintan Warbaahinta iyo Dhakhaatiirta Khusaysa in bartooda loogu tagi doono talaabana laga qaadi doono.

 

Dr Axmed Xaashi Oday

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS