haatuf.net
Mu’aamaraadka Saliibka Iyo Mooganaanta Muslimiinta- W/Q: GULIED DALHA
January 18, 2015 - Written by Admin Two

 

Waa amin adag oo aan asraartan lahayn halka uu xaal marayo. Muslimiintu way galiilyoonayaan; gaaladuna way guuxayaan. Waxa la garan laayahay halka Muslimiinta laga raacay, ed waayo Alle SWT wuxuu Quraanka ku sheegay in Muslimiintu mar walba ay yihiin kuwa sareeya. Waxa aad loo amaanay Muumiinta; waxa lagu sheegay kuwo aan qunbucanin ee si quman wax u fahma. Waxa Muuminiinta loogu nuux-nuuxsaday in hadalka aanay saafin ee ay sogordahaan. Ku dhiiranaanta gaalada iyo ka guluf la’aanta walaalahooddu waa mid lagu majeerto, medicine baanisna maaha ee wax banaanka yaala. Muuminka dhabtaa wuu sariigtaa; ceebtuu ka siqsiqaa; xurmadda kama tago xajiintana wuu ka dhawrsadaa.

Haddaan ku soo durko waxaan uga gol leeyahay, clinic waxa maalmahan isa soo tarayay wariyayaal Faransiis ah oo Nebi Muxammed SCW wax ka sheegay. Alle SWT wuxuu ku yidhi Quraanka Kariimka ah, “ Annaggaa soo dajinay Quraanka Annagaana ilaalinayna.” Sidaa si lamid ah Alle Sunnadda wuu ilaaliyaa oo aqoonyahan ayaa uu u diraa sida xadiith yaqaanannada ama xadiith ruugga. Nebi Muxammed SCW xaqa uu inagu leeyahay maanta waa wax la ilaaway, waxaana cadaynaya taas:

Suuqyadda Muslimiinta ayaa lagu caayaa Nebi Muxammed SCW yadoo askariga loo sheegaana si fudud ugu jawaabo, “ Ma Nebigaagga ayaa uu caayay maxaa kaa galay.”

Waxa laga fogaaday barashadda Kutubta Sunnadda ee lagu uruuriyay axaadithta Nebigga SCW.

Badanka dadka barta oo si fiican u dhammaystirtanna CILMIGGA uma bedalaan CAMAL.

Aamusnaanta dawladaha Muslimiinta.

Aqoonyahannadda diinta baratay oo qaar badani haddii ay ka hadlaan uga baqa in liiska argagixisadda lagu daro.

Tan ugu xanuunka badan waa Sawirraddii ay ka soo saareen dalka Faransiiska.

Su’aashu waxay tahay, “ Maxaa la gudboon Muslimiinta?”

Warcelin ayaa igu habsatay aad u kakan, laakiin cid taa laga sugo, waxa ugu haboon aqoonyahannada macluumaad dheeraad ah hela. Dhinaca kale, guluf la alooso iima muuqato; xafiif qaadashonna igama dheera. Sidee la isu waafajinayaa labaddaa tiraabood. Waxaad iga sugtaanba waa warcelintiiye: wadajir ayaa ah qodob muhiim ah. Soomaaliddu waxay tidhaahdaa, “ Shan nin oo isku calool ahi ceel way biyeeyaan; colna way jabiyaan.”

Tan labaad waxa ah xadiithka aadka u sugan ee Nebiggu SCW uu yidhi,” Haddaad ciinadda wax ku kala iibsataan( Inta uu ganacsaduhu wax iibiyo, uu qofkii uu ka iibiyay qiimo kii hore ka jaban ka soo siisto), oo aad lo’ada dubka qabsataan( Lo’ raacato aad noqotaan) beerahanna aad ku raali noqotaan, jihaadkanna iska deysaan, Alle wuxuu idinku salidayaa dulinnimo ay daan ka baxayn illaa inta aydun diintiina u noqonaysaan.”

Xadiithka waxa weriyay Ibnu Cumar Alle ha ka raali noqdee, waxaana soo saaray Abuu Daauud. Sheekh Albani wuu sugayaa; waana xadiith sugan oo gaadhay darajadda Saxiix Liqayrihi)

Dulucda xadiithka: Waxa uu xadiithku si qumaati ah oo 90 digrii ah u haystaa Muslimiinta maanta, waana hawraar aan hadal laga keeni Karin. Waa gooddi Alle oo guhaadiisunna ku jilbaabantahay.

Isku soo wada xooriyoo, Muslimiinta dib ha isugu noqdaan; dawaddii waan soo sheegnay. Oo waa diintii oo loogu noqdo CILMI iyo CAMAL labadiiba, taas ayaan maanta weyney oo waa la dhiganayaa laakiin waxa maqan ku camal falkii. Waxa kale oo la gudboon Muslimiinta in culimadda ay diintooda ku kalsoonyihiin ay la socdaan fataawadda ay arimahaas ka bixinayaan. Wiil Waal ayaa berri culimo la kulmay oo ku yidhi, “ Kitaab casihii waan arkaa ee mee leebkiinnii; ama hootadiinnii ama jikrihiinnii ama warankiinnii?” Waxay ugu jawaabeen, “ Naxnu Mutawakilluuna cala Allah.” ( Annagu Alle ayaanu talo saarannaa)

Maalin ayuu isugu yeedhay culimaddii goor fiid ku dhaw oo meesiggii la soo carraabinayayay; geelunna duleedka mayracanayay. Buul yar oo kunbiska u dhawaa ayuu amray inay halhaleel u galaan. Hawraarsan ayaa xigtay wayna iska fadhiisteen.

Wuu u soo galay isagga oo sita mindi aad hooto mooto; oo salaxa lagu soofaynaayay dharaartaas oo dhan. Mid ka mid ah ayuu amray inuu soo baxo, dibadda ayaa uu fadhiisiyay; isla markiibanna wuxuu qudha ka jaray wan galaalnaa. Wuxuu ku soo noqday wadaadaddii isagoo mindi dhiig ka huugaabaayo  Mar kalya ayay irridda ama illinka jabsheen oo yaaceen.

Wiilal ay qaraabo ahaayeen Garaad Wiil Waal ayuu amray inay wadaadadda soo celinyaan warkanna duuduub ugu sheegaan.( Midhe Daray Duuduub baa loo liqaa). Wiil Waal wuxuu yidhi,” So’idinkii lahaa anaggu ma cabsanno; Alle ayuun baan talo saarannaa.” Maalintaa laga bilaabo wadaadaddii waxa lagu arki jiray yaggoo kitaabkoodda sita, fara laabkoodanna aan halmaansanayn.

Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa)

4839797

dalxaauthor@gmail.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS