haatuf.net
Reer Farawayne Oo Mudaharaad Kala Hortagay Waftigii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Baaxadda Khasaaraha Ka Dhashay
January 18, 2015 - Written by Admin Two

Farawayne, store January 18, buy 2015 (Haatuf) – Madaxwayne jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Siilaanyo Iyo Wafti balaadhan oo hogaaminayay ayaa maalintii Labaad safar ku marayay meela kamida gobolada somaliland Gaar ahaan galbeedka waftiga madaxwaynaha oo xalay u Hoyday magaalda wajaale ayaa saaka u kicitimay deeganada xuduuda teedsan.

Wafiga ayaa soo gaadhay degmada Farawayne oo kamida gobolka maroodijeex dadwaynaha ayaa waxay sugayeen in waftiga madaxwaynuhu u dhagax dhigo jidka isku xidhaya farawayne iyo caasimda hargaysa ,iyadoo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan ay u diyaar yihiin ayaa waxaa markaliya isbadalay jawigii waftiga iyagoo ka dhaqaaqay dadkii soo dhaweeyay una baqoolay meel laga qoday riig biyood kaasi oo biyihiisa la kaydinayay mudo 15 cisho ah.maamulka-farawayne-iyo-siilaanyo-4

Arrintan ayaa waxay wax lala yaabo ku noqotay bulshadda reer Farawayne taasina waxay sobotay in dadwaynuhu ku mudaharadaan wafiga madaxwayanaha, Warkan oo aanu ka helay midka mida dadka deeganka farwayne oo xiligaa isagu ku sugnaa goobta ayaa wuxu noosheegay in dhagax ay tuurayeen dadwayanaha reer farawayne uu khasaare oo gaadhsiiyay qarkamida gaadiidka madaxwyanaha oo laga jajabiyay muraayadaha kuna sheegay afar baabuur waasida uu hadalka u dhigaye.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in mid kamida askarta ilaalada madaxwyanaha uu soo gaadhay dhaawac

Arintan ayaa mid wax laga xumaado ku ah waftiga madaxwyanaha oo guud ahaan ay la socdaan dawladiisi in ay deegaanada ku maraan bila qorshe taladooduna noqoto hadba wixii ka yimaada maamulada degmooyinka in ay fuliyaan taasi oo ka qarinaysa in ay sidhaba ugu kuur galaan xaqiiqda ka jirta guud ahaan dalka.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS