haatuf.net
Duqa Hargeysa Oo Qorshe Lagu Degdegay Ku Tilmaamay Kala Bedelka Wadooyinka Caasimadda
January 19, 2015 - Written by Admin Two

“Arrinkan Guddida Bilicda Ayaa Lagu Soo Hadal-Qaaday, buy Waxaana Soo Jeediyay Xaglo-Toosiye, treatment Waxa Ku Jira Deg-Deg Aan Ka Raaligelinayo Dadka”C/raxmaan Soltelco

 

Hargeysa, January 19, 2015 (Haatuf) – Maayarka magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa qorshe lagu degdegay ku tilmaamay wax ka badalka nidaamka wadooyinka caasimada ee uu dhawaan amarkiisa lahaa wasiirka daakhiliga Mr Warancade.

Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu maanta magaaladda Hargeysa kula hadlay warbaahinta, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waa run oo waa shaqadayadii, arrinkana waxaa hore loogu soo hadal qaaday guddida bilicda, waxaana soo jeediyay Wasiir Xaglotoosiye, waxay ahayd Arrin farsamo oo ay ahayd inaanu annagu eegno oo aanu ku maqnayn”. Maayar

Soltelco isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waxaa ku jira degdeg aan ka raaligalinayo dadka inay degdeg u dhacday, oo ay ahayd in dadka la wacyi galiyo,taasina waa arrin dib loo eegi doono wixii khaldamay iyo wixii soo baxay”.Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalkaas oo dhamaystiran:-

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS