haatuf.net
Kacdoon Ummadeed Ayaa Dhow; Qalinkii Mukhtar Cilmi
November 6, 2014 - Written by Admin Two

Qaranka Somaliland wuxuu marayaa meel halisa oo u baahan in degdeg shacabku u soo farageliyo, sale waxaa Xukuumadii Siilaanyo lagu jebiyey Siyaasadii geeska africa iyo tii caalamkaba waxaa inala soo gudboonaadey duufaan siyaasadeed oo halis ku ah jiritaanka qaranimadeena iyo madaxbanaanideena, siyaasadii arrimaha guduhu waxay maraysaa in faraha la isula tago oo la is dilo sidaasina qaranka iyo jiritaankuba ku burburaan, waxaana ugu wacan sharcigii iyo Dastuurkii qaranka oo xukuumadda sillanyo god ku riday kuna bedeshay kibir, cabudhin ,xadhig, hanjebaad iyo amar ku taaglayn waxaana la taagan yahay xiligii ismuquuninta iyo bilowga dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxa, madaxtooyaddina ay noqotay goob ciyaaro kala duwan ay ka socdan oo fadeexad uun la daba dhigay.

 

Maamulkan maanta jira ee Madaxweyne Silaanyo waxa uu kuwii hore kaga wacdaro cad yahay waa qabyaalad aan cidna lagala gabaneynin Allena aan lagala xishooneynin oo weliba dood iyo indho edgy ay TV-da la soo taaganyiin, waxa ay caan ku tahay boobka hantidii qaranka oo ay si badheedha ugu takri falayso iyadoon xeerinaynin waxbana, isagoo mushtamacu aanu raali ka ahayn qaladaadka maamulkan hadana hadana karis xun iyaduna wax ku la´ ayey Soomaalidu ku maahmaahdaaye, sharci ku tumashadda iyo cadaalad darraddu waa wax wada saameynay ummadda caam ahaan iyo qaran ahaanba, waana ficil hadii aad maamul ahaan ku sii dhaqantaan dumin kara qaranimadda beedka ah ee aynu sacbadda awooda daran aynu ku sidno.

Somaliland waxay taagantahay waqtigii shacabkeedu badbaadin lahaa waxay taagan tahay xiligii gudo iyo debeda la isaga iman lahaa lana falanqayn lahaa sidii wadanka mar labaad loo badbaadin lahaa mid siyaasadeed iyo mid mileteriba waxaa la joogaa xiligii laga tashan lahaa Xukuumadan fadhiidka ah ee lagu khasaaray fashilisayna weynaantii iyo qabkii somaliland ku lahayd Geeska afrika iyo caalamkaba , uma baahnin cuqaal kolba madaxtooyadda lacab ka qaata huteeladana ka cuna pastadda !!!, waa la garanaya cuqaashaas shacabkuna ma dhagaysanayo hadalkooda ka dhex urayso nifaaqa , danta guud ee shacabweynaha waa Waddani , waxaana hadhay wax yar bushaaraduna way dhawdahay ee ha la sabro hanala muujiyo bulshow awooda .

Mukhtar Cilmi

Khadar2244@hotmail.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS